Yaxye Cali Hareeri oo ka hor yimid amarkii Madaxweyne Farmaajo diidayna in la furo wadooyinka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya shalay galab amar ku bixiyay in loo furo waddooyinka shacabka Muqdisho kaddib markii ay la kulmeen caqabado badan iyo isku socodkii magaalada Muqdisho oo gebi ahaanba istaagay.

Haween badan aya guryahooda ku umulay kaddib markii jid gooyo ay xayirtay gawaarida gargaarka ee geyn laha cisbitaalada Muqdisho si ay u dhalaan.

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ay xaqiijiyeen, wuxuu madaxweynaha amar siiyay dhamaan taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in si dhaqso ah wadooyinka shacabka loogu furo wuxuuna farriin soo dhigay bartiisa twitterka farriintaas oo u qorneyd sidan

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu

Waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada.”

Amarka madaxweynaha ayaanan la fulin waxana saraakiil ka tirsan Booliiska iyo Nabadsugidda ay damqou xaqiijiyeen in Yaxye Cali oo ka mid ah howlwadeenada xafiiska RW Kheyre uu amar kadaba bixiyay Madaxweyanaha kaasoo gacanka booliiska iyo Nabadsugida ka sheegay laba jeer in aan la furi karin wadooyinka.

Arrintan aya la yaab ku noqotay saraakiisha amniga, balse ilaa hadda aanan waxba laga qaban amarkii madaxweynaha uu welina socdo amarkii Yaxye Cali.