Maqaal: War hoy! Waxaad maanta bi’isaa biri ha u shalaaynin

Heeskii Ustaad Maki Xaaji Banaadir Buur fuule ee ahaa 1000 aa u weyn 1000 aa u yar, oo dhawaan lagu badali doono 10000 aa u weyn 5000 aa u yar.

Horta Dalku lacag shaqeysa oo Sicir bararka, sarif la’aanta iyo isticmaalka $ Dolarka wax ka qabata oo meesha ka saarta in loo sameeyo waa u baahan yahay taas marnaba shaki kuma jiro, balse waa in lagu saleeyaa Xakamaynta dhaqaalaha guud ee dalka iyo soo celinta nolosha danyarta si looga hortago dabaqadaha kala fog ee dalka ka abuurmay, waayoo maanta Muqdisho qoysna waxa uu biishaa $1500 -2000 & ka badan Per/Month, Qoysna waxa uu biishaan $80-120 Per/Month kuwana waxaa laga yaabaa inay bishii wax intaa ka yar ku nool yihiin.

Hadaba, hadii ay run tahay oo la doonayo in lacagtaan la soo daabaco oo aysan aheyn SAMPLE ay shirkado maafiyo ah oo ku loolamaya daabacadda lacagta Sh So ah oo u soo direen W/Maaliyada sida wararka qaar sheegayaan, waa hubanti horta inta aaney shacabka u soo gudbin waxaa muddo badan jidgooyo u dhigan doona Ganacsatada, Madax Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaana ka dhalan doona doodo badan oo is mudmudaya,marka sow ma haboona in marka hore intaan la daabicin loo talo badiyo lagana eego arinkaas dhinacyo badan si loo helo lacag Qaran oo la isku raacsan yahay oo wax ku soo kordhin karta nolosha dad keena danyarta ah,.

Waxaan maqli jiray yaraanteydii hadii furuq la arko Waraabow fara ka leefoow noqdaa, hadda inkastoo dalka cabasho & saluug lacageed jiray hadana wixii la heystay rajo & waa laga bixi doonaaba hala isku maaweeliyee waa lagu dhaqnaa oo waa lagu soo mooday ee hadaan wax dhaama la soo wadin yaan reerka looga sii darin oo yaan nalaka inkaar galabsan.

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.

Abdulqadir Faarax Dulyar