Wararkaka imaanaya Gobolada Jubooyinka ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka Jubbaland iyo kuwa Mareykan ah ay dileen 25-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab,kadib weerar ka dhacay degaanka Baar-sanguuni oo 50-km u jira Magaaladda Kismaayo.

Dhank kale Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen deegaankaasi iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay in khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen Maleeshiyadka Al-Shabaab oo deegaanadaas ka geysanayay weeraro ka dhan ah ciidamada Soomaalida iyo kuwa Ajnabiga ah.