Madaxweyne Farmaajo oo galabta amar ku bixiyay in lafuro wadooyinka Xiran ee Muqdisho.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta amray in si deg deg ah loo furo wadooyinka u xiran Ciidamada ammaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

“Waaan amaan u soo jidinayaa ciidmada sida ay ugu dadaalayaan inay ka hortagaan khatar dhacda,balse waxaa muhiim ah in la furo wadooyinka xiran, taasi oo saameesay Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa shacabka ku nool magaalada Muqdisho in lala shaqeeyo Ciidamada dowladda oo habeen iyo maalin u taagan ka horta dhibaataynta Shacabka sida uu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Warkaan ku soo daabacay Bartiisa Gaarka ah ee Twwiter-ka.