Dowladda Ingiriiska oo Amar ku bixisay in Muwaadiniinteeda ay ka soo baxaan Soomaaliya

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay qabto cabsi ku aadan in muwaadiniinteeda ku sugan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya inay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin khatar dhinaca ammaanka, falal dhac, Afduub iyo Argagixiso.

Xukuumadda Ingiriiska waxay sheegtay in sidoo kale ay Muwaadiniinteeda uga digeyso inay u safraan dalalka Ethiopia, Kenya, Djibouti, Masar, Sudan, Imaaraadka, Yemen iyo kuwo kale.

UK waxay sheegtay inay suurtagal tahay in Muwaadiinteeda ay wajahayaan Khataro ku saabsan dhanka Ammaankooda, iyadoo warkaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-sooranka ee Britain wuxuu ka digay dhamaan Socdaal in lagu taggo Soomaaliya.

Dhanka kale Uk waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan Muwaadiniinteeda aan hadda shaqo muhiim ah ka heyn Soomaaliya inay si deg deg ah uga soo baxaan, iyadoo meelaha ugu daran ay Muwaadiiniinta Uk uga digtay ay kala yihiin Hargeysa, Berbera,iyo Muqdisho.