Donald Trump oo u tacsiyeeyey markii askari Amerikan lagu dilay Soomaaliya. Twitterkiisa!

Sarkaal ka tirsan Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askari Maraykanka ah iyo dhaawaca afar kale, Ciidamada Soomaaliya iyo askarta Maraykanka ah oo is kaashanaya ayaa ku guda jiray in ay dhufayso qotaan iyaga oo difaacooda xoojinayay xiliga ay Shabaab la beegsadeen weerar kadis ah.

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka hadlay geerida askari Mareykan ahaa iyo afar kale oo la dhaawacay, kadib markii Al-shabaab ku weerareen.

Donald Trump ayaa marka hore tacsi u diray ehelada iyo qoysaskii uu ka geeryooday askarigaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay afar askari kale oo iyaguna weerarkaasi lagu dhaawacay.

Hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “ Waan u duceynayaa qoyska uu ka baxay askariga la dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya, runtii aad ayaan uga murugoonayaa, runtii waa geesiyaal, oo qaranka ayaa xusi doona.” Ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Maxamed Caalim