Daawo: Puntland oo ardaydeedii kala soo baxaysa Somaliland…

Maamulka Puntland oo maanta warsafadeed soo saaray ayaa wuxuu sheegay ardayda ka soo jeeda Puntland in ay isaga soo baxaan Somaliland maadaama Somaliland ay Ku dhawaaqday in la laaynayo ardayda Reer Puntland ee wax ku barata jaamacadaha Somaliland

Af-hayeenka Puntland ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey asagoo sheegay ardaydaas oo tiradooda ay gaareysi ilaa 900 oo araday, 540 arday waxay joogaan Boorame iyo 310 arday waxay joogaan Jaamcadaha Hargeysa.

Waxaan ardayda ka codsaneynaa in ay guryahoodii Ku soo noqdaan, Waxaan jaamacadaha ka codsaneynaa iney u soo wareejiyaan inta uga dhiman semestaradoodii iyo kurukalamadoodii  ayuu yiri Afhayeynka u hadlaayey Puntland.

afhayeynka Waxaa kale uu shacabka Puntland uga digaysaa shacabka joogo gudaha iyo kuwa qurba joogta ah in ay soo foodsaartay in Maamulka Somaliland ku dhawaaqday in la laaynayo.

Halkan ka Daawo: