Tacsi: Waxaan maanta magaalada London Ku geeriyooday Allaha u naxariisto Maxamed Aadan Xersi ”Terra”

TACSI إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Waxaa goor dhow i soo gaartay inuu geeriyooday Alle ha u naxariistee saaxiibkay Maxamed Aadan Xersi Terra. Maxamed wuxuu ahaa mid ka mid ah tiirarkii waaweynaa ee lagu dhisay casriyeynta idaacadaha Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa dhallinyaradii ku soo biirtay raadiyo Muqdisho 1973dii, wuxuuna ka mid ahaa war akhriyeyaashii farokutiriska ahaa ee abid soo mara idaacadaha Soomaaliyeed, dadkuna ay aad u jeclaayeen codadkooda. Wuxuu ahaa nin shaqadiisa ka adag oo loogu aamin qabay, taxadder badan, karti badan, mas`uuliyadna iska saara hawshiisa, ugu dambayntiina ka mid noqday masu`uuliintii wasaaradda warfaafinta.

Taariikh Nololeedkiis oo nooga waramaya Wariyaha caanka ahaa waytiyadii hore kaafi oo ah Abdulqadir Mursal:

Maxamed Aaden Xersi (Terra) waxaan is barannay 1974ii oo aan raadiyo Muqdisho ku soo biiray, wuxuuna xiriirkeennu soo jiray ilaa uu hadda ka geeiyooday. Farriintii ugu dambaysay oo aan ugu diray facebook isagoo ku jira Isbitaalka anigoo ka wareysayana xaalkiisa sidan ayayna ahayd:

(ACWW
Waxaan maqlay inaad isbitaalka ku jirtid ee see tahay?
MAY 26TH, 3:18AM

Fiican
Hospital aya ku jira weli

MAY 28TH, 11:03AM
Alle ha ku caafiyo, caafimaad degdeg ah.)

Markii waddanku galay dagaalladii sokeeye oo la kala firdhaday aniga iyo Terra waxaan ka mid ahayn dadkii ku haray Xamar, hase ahaatee markii dambe ayuu u soo wareegay dalka Kenya magaalada Nairobi oo aan markii dambe 1996dii ugaga daba imid innagoo isku xaafad ka degnay Nairobi. Sanaddii 2000 ayaan ka wada mid noqonnay inaan ka wada shaqeyno raadiyihii ugu horreyay oo si gaar ah loo leeyahay, lagana furay magaalada Nairobi, cod joogta ahna ay ku yeesheen dadka Soomaaliyeed oo ahaa qaxootiga ugu badan ee ku nool dalka Kenyua. Radiyahaas oo lagu magacaabo Iqara wuxuu noqday mid caan ah oo ay dadka Soomaaliyeed si weyn ugu diirsadeen, kaasoo aan si wadajirah uga wada shaqeyn jirna aniga, Maxamed Aaden Xersi Terra, Yaasiin Ciise Wardheere, Ridwaan Xaaji Cabdiwali iyo Axmedyaasiin Sooyaan.

Markii dambe Terra wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska oo aan ka wada xiriiri jirnay ilaa maanta uu ka geeriyoodo. Maxamed Aaden Xersi Terra Alle ha u naxariist, dambigiisiina Allaha u dhaafo, Jannatul Firdowsana Allaha ka waraabiyo, waxaana aan tacsi u dirayaa xaaskiisii Maymuun Cascasey, carruurtiisii dhammaan, walaalihiis, qaraabadiisii, iyo asxaabtiisii oo dhan inuu Alle samir iyo iimaan ka siiiyo.