Faallo: Maxaabiistii lagu kala qabsaday Tukeraq oo qiime sare Lagu kala iibsanaayo Xabsiyadda

Horaan uuga hadalay dagaalkii TUKARAQ ee ahaa mid lagu gumaaday dad soomaaliyeed oo xaq u lahaa in ay nabad ku helaan dalkooda. Labada maamul ee ka jira Hargaysa iyo Garoowe ayaa dadkaa sabab u ahaa lagula xisaabtamayaa aduun iyo aakhiraba. Muuse Biixi iyo Dr Gaas oo ka faa iidaysanaaya dawlad la aanta ka dhacday dalkeena kadib markay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliyeed 1991 dalkeenuna galay dagaalo sokeeye iyo fawdo baahsan.

Qofkastoo cadaw ah oo damiir aan lahayn,waa xiliyada uu ka faa iidaysto marka lawaayo sharci iyo kala danbayn iyo dawlad nimo.labadan shaqsi oo dhinac marsan in dalkeenu helo dawladnimo iyo kala danbayntii oo dalkeena lagu soo dabaalo,ayaa iyagoo ee ganaya kursigooda iyo fulinta awaamiirta xulufada ETHIOPIA IYO EMARAATKA,ayaa fuliyay dhagartaa iyo gabood falkaa lagu xasuuqay umada soomaaliyeed ee la tacaalaysa gaajada,jahliga,faqriga,iyo dawald la aanta mudo sodon sanadood ah. hadaan intaa halkaa ku dayno.

Dagaalkii khasaaro ee Tukaraq,ragbaa ku dhintay,ragbaa ku dhaawacmay,ragbaa badbaaday,ragna maxbuus ahaan ayaa loo qabtay. hadaba hadaan wax iska waydiino xaalada maxaa biistii lakala qabsaday iyo halkay ku danbeeyeen aan idna wadaago arinkaan muhiimka ah.

SOMALILAND XABSIGA MANDHEERA waxaa halkaa lageeyay maxaabiis dagaalka lagu qabtay,oo ah dhanka Punltnad,waxaan ognahay mar hadii qofku maxbuus yahay,saacadaa laqabtay laga bilaabo maha cadaw. waxa uu ubaahan yahay xaqdhawr iyo xanaano,dhanka cuntada,daawada iyo jiifkaba in aad xil gaara laysaga saaro.hadaba sidii loo dayacay ku wii dhaawaca noqday ee cidlada looga tagay,ayaa maxaabiistiina loo dayacay.

XABSIGA MANDHEERE EE SOOMAALILAND dayac xoogan oo aan lahayn ka sheekayn ayaa ka jira,waa arin ubaahan in soomaalidu iyo caalamkuba dagdag loogu gurmado silica iyo saxariirta ka jirta xabsigaas ee lagu hayo dhibanayaasha ku jira ee garbaduuban.Arimaha kasocda xabsigaa dhexdiisa waxay kasoo horjeedaa xuquuqda guud ee aadanaha iska daa dad ehel iyo muslim ahee. Waxaa la cadeeyay in xabsigaas rag shisheeye oo ah Ethiopian yimaadaan oo ku dulaystaan dadka soomaaliyeed,waadna wada garanaysaan in Ethiopia xabsiyadeeda ay yihiin kuwa uugu liita caalamka oo aadamaha lagu gumaado.

Muuse Biixi maxaabiistii uu qabtay waxay maraysaa in rag mu khalasiin ah oo ah SACAD MUUSE ay ku gataan soodayntiisa lacag kumanyaalo doolar ah,Dr Gaas lacago uu soo dhiibay waa lagu sii daayay raguu dalbaday,miskiin kii aan dadkiisu waxba haysan ayaa ku haray xabsiga.waxaa yaab ah in Muuse BIIXI iyo DR GAAS maxaabiistii u yeeleen suuq lagu kala iibsado.

XABSIGA PUNTLAND EE GAROOWE ragii laqabtay ee SOMALILAND waxaa loola dhaqmay si lamid ah sidaa ay u dhaqmeen somaaliland,waxaana si hoose lacag xoog leh loogu kala gataa ragaa la hayo ee maxbuuska ah.rag mukhalasiin ah ayaa hawshaa fuliya oo DR gaaas dirsaday sida Muuse biixi oo kale.

Ciidii aan haysan lacag xabsigay ku jiraysaa waligeed,kii lacag doolar ah laga baxshana waa lasoo daynayaa markiiba. hadaba waxaas oo dhib ah hadaad is waydiiso,waxaas oo dhimasho iyo dhaawac iyo xabsi ah,hadaad is waydiiso waxaa kuusoo baxaya niman calooshooda iyo shisheeye u shaqaynayaa in ay dadkii madax isaga dhigeen oo halaageen.waa rag dhiiga umada ku noolaanaya.

Laakiin shacabka SOMALILAND iyo PUNTLAND ayaa ah kuwo aan dadkooda iyo dalkooda ka naxayn oo aan ku baraarugsanayn in ay xaq u leeyihiin inay nimankaa iska qabtaan. somaliland ma muuse biixi baa leh? sidee ku dhacday in uu dab galiyo dalkii iyo dadkii? Puntland dr gaas miyaa leh? sidee lagu aqbalay talo xumadaas iyo in dadkii halkii hormar laga gaarsiin lahaa iyo nabad in uu banaan cidla ah ku laayo?

Dalkeena soomaaliyeed hadaynu nahay shacabka somaliland iyo shacabka puntland waxaa waa jib inagu ah in aan taageero oo dhisno dawlada fadaraalka ee dhexe,maxaa yeelay markaas ayaan noqonaynaa dawlad iyo dal jira iyo dad jira,maha in aan khiyaali ku noolaano runtana ka leexano oo inkiro.

Dawladaha dariska iyo kuwa kalaba iskama celin karayno hadaynaan ahayn dawlad,inamana tix galinayaan kol hadaan nahay beelihii soomaaliyeed oo beel waliba calan taagatay!! Aduunka dawladnimaa laysku qadariyaa xataa hadii dawladaasi tahay mid xun. intaan reer reer ukala qoqobanahay gumaysi kabixi mayno iyo in kolba mujrim inoo koco isku keen dila sidaa muuse biixi iyo dr gaas. nimankaan isku keen dilaya ee dadkeenii xasuuqay mid waliba waxa uu inoo sheegtay in uu yahay madaxweyne!! laakiin xaqiiqdu waxaa weeye maha midna madaxweyne soomaaliyeed.

Madaxweynaha kaliya ee dalkeenu leeyahay ee dhabta ahi waa FARMAAJO,dawlada kaliya ee dalkeenu lee yahayna waa dawladaa fadaraalka ah ee fadhigeedu yahay caasimadeena MOGDISHO. calanka kaliya ee aynu leenahay aduunyada oo dhan inoo aqoon santahayna waa kan buluuga ah ee xidigta cad ee shanta gees leh,majiro calankale.hadaba maha in aan ku habsaano meel cidla ah oo dhabtu tahay qabiil calan taagtay kaligii.

Aduunyadu dan kama laha jifooyin kala qoqoban,waxa uu dan kaleeyahay qaran soomaaliyeed oo mid ah,marka laga reebo kuwa cadawga inoo ah ee ina sii kala qoqobaya.

Muuse biixi iyo Dr gaas waxaan lee yahay,habraha iyo hooyooyinka xabsiyada ku hor oo yahaya ee aad xaqdarada iyo dulmiga carurtoodii ku haysataan,qiimaha aad sheegateena aan awoodin adeerayaaloow usiidaaya,oo wuxuun iskula hara.

Dadka soomaaliyeed waxaan lee yahay nin waloow u istaag in dalkeena aan bad baadsano,noqono dawlad dhab ah oo dalka oo dhan hanata,ka fakaro nabad galyadeena,aayaha ubadkeena iyo dalkeena.waxaana ku gaari karaa nidaam iyo dawaladnimo, masii ahaan karayno beelo kala jooga oo kala qoqoban mudo kasiibadan sodon sanadood. dad maan gaab ah ayaa dawlada u haysta shaqsiyaad sida madaxweyne farmaajo iyo khayre oo kale,arinkuna sidaa maha dalka iyo dawlad nimada inagaa leh oo ah soomaali,shaqsiga siyaasiga ah ee markaa talada aynu u dhiibanay,xilibuu lee yahay,FARMAAJO kahorba XASAN SHEEKH ayaa joogay.

dalku dawladnimo in uu helo waa waajib saaran qofkastoo soomaali ah,raga hada xukunka hayaa inagay inoo shaqaynayaan waa in aan garab istaagnaa si aynu uguulaysano.soomaali waxaa deeqda wada jir iyo dawladnimo.

Yusuf  Cumar

mashruuc5@hotmail.com