Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Rag Hubeysan ayaa degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Cali Shire waxay ku dileen nin nabaddoon ah oo si aad ah looyaqan. Marxuumkaasi la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Geeddi Jimcaale.

496515016

Nabadoonka ayaa la sheegay inay dileen Kooxo ku heysan Bastoolado,iyadoo Nabadooonka xilligii la dilaayay uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla degmadaasi.

Kooxaha ayaa dilka Nabadoonkaasi u adeegsaday Bistoolado, waxayna ka baxsadeen gurigiisa,iyadoo markii dambe halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya,waxayna sameeyeen baaritaano ku aadan cida ka dambeysa dilka loo geystay nabadoonkaasi la dilay.

Dhanka kale Saraakiisha Ammaanka ee dowlada dhexe ayaan weli ka hadlin dilka maanta ka dhacay degmada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir, waxaana maalmahaan Muqdisho ku soo badanaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Magaalada.