MA OGTAHAY U JEEDADII SHALAY GUMAYSTUHU UKALA QAYBIYAY DADKA SOOMAALIYEED

Dadka soomaaliyeed, waxay ahaa yeen dad gob ah, waxay jeclaayeen dalkooda kuna noolaayeen qarniyaalo iyagoon aadin dalal shisheeye.

Waxay ku kalsoonaayeen dalkooda, dadkooda iyo diintooda. waxay jeclaayeen afkooda hooyo,waxay lahaayeen suugaan,iyo af hodan ah murti, gabayo, geeraaro, guuroow iyo ciyaaro hido iyo dhaqan ah oo ugaara soomaali.

Dadka soomaaliyeed waxay ahaayeen 3 qaybood,qayb beeraleey ah,qayb kaluumaysato ah iyo qaybta uugu badan oo ahaa xoolo dhaqato,sida geela, ariga, loda. Nicmadaas illaahay siiyay ayay ku kalsoonaayeen oo ku noolaayeen qarniyaalo badan.waxay necbaayeen gumaysiga, waxay ahaayeen geesiyo cid u dhigantaa jirin koonkaan ilma aadan lagu uumay. waxay dhawayn jireen martida,waxay ilaalin jireen xuquuqda haweenka iyo caruurta iyo dadka waaweeyn.

Waxay lahaayeen geed talada iyo gartada lagu gudoomiyo.waxay lahaayeen madax dhaqameed odayaal nidaam iyo kala danbayn leh.majirin wax is dhex yaac ah sida dhaqamda dadyawga kale. sidii qaab dawladeed ayaa soomaalidu u dhisnayd waligeedba. xeer baa kayaalay xaalada dagaalka,xalada guurka,xaalada nabada.

Dhulka soomaaliya waa dhanka ethiopia Diridhaba, dhanka kenya waa dhulkan Nfd meel in yar u jirta Nairobi  iyo jabuuti ilaa mogdisho waa dhulsoomaaliyeed waligiina soomaali ayaa lahayd kuna noolayd.

Gumaysigu xili hore ayuu qabsaday oo diin ahaan ku qabsaday dalkan Ethiopia,in yaroo kiristaanka qaadatay ayuu uuga dhigay madax intii badnayd,faqri ayaa dilay qarniyaal ethiopia waxa wax haystaana waa intaa dalalka reer galbeedku kursiga ku hayaan. Ethiopia waa la buun buuniyaa laakiin xaqiiqdu waxaa weeye in yaroo u adeegta gumaystaha cadaanka ah oo madaxa laga haysto weeye.fikir iyo hormar midna malaha iskumana kalsoona.shacabka ethiopiana xoriyad waligoodba ma aysan arag gaajo ayaa lagu dilay,ninkii hadlana waa dil ama xabsi daa in.

Kenyana cadaanku waad aragtaan ilaa maanta sida ay umaamulanayaan. hadaba dalkeena soomaaliyeed markii waa hore la darsay waxaa la ogaaday oo cadaanku ogaadeen in soomaaliya ay tahay dad isku kalsoon oo xor ah oo aan la guumaysan karayn,cadaanka oo ilaashanaya danahooda guracan ee afrika ay ku guumaysanayaan,ayaa u baqay in dhiiranaanta iyo isku kalsoonida soomaalidu ay gaarto ethiopia iyo kenya oo ah hayin habacsan oo u rararan cadaanka.

Cadaanku waxay ogaadeen in soomaaliya mustaqbalka haday dawlad noqoto,ay sifudud u hananayaan afrikada bari guud ahaanba oo ay hogaamin doonaan.waxay 1884 diyaa riyeen qorshe lagaga hortago aayaha in soomaaliya aysan ka dhalan dawlad iyagoo haysta dadkaa iyo dhulkaa wayn ee fidsan iyo badaha ku xeeran.

Arimahaa waxay keentay in laynoo qaybiyo shan qaybood,si soomaali isfahanta oo dawlad ah waligeedba loo helin.

1.Qayb Nfd kenya ayaa lasiiyay waqooyi bari kenya waa dhul soomaaliyeed. dadkii soomaaliyeed iyo dhulkiiba reer yurub waxay siiyeen kenya.

2. Dhulka soomaali galbeed ama Ogedenia iyo dhulkii hawdka dadkii soomaaliyeed iyo dhulkii soomaaliyeed waxaa lasiiyay Ethiopia.

3.Jabuuti oo ah dhul soomaaliyeed waxaa lasii yay faransiis dadkii iyo dhulkiiba,1977 ayaa layiri xor baatihiin laakiin ogaada xor umatihiin in aad sheegataan soomaalinimadiina oo aadkamid tihiin soomaaliya dhul ahaan iyo dad ahaanba. ma sheegan kartaan waxaa tihiin jabuuti. wali xorma aha.

4.Gobolada waqooyi galbeed soomaaliya waxaa lasiiyay Ingiriis waxaa loobixiyay British Somaliland dhulka soomaaliyeed intii soo hartay oo dhana waxaa lasiiyay talyaani oo loo bixiyay Italian somaliland.

Reer galbeed ama yurub markaa waa iska seexdeen markay dabinkaa u dhigeen soomaali.hadana waxaa socota in labadii israacday lakala gooyo,laysku diro laysku mashquuliyo! waxaa socota in loo sameeyo maamulo goboleedyo kala fiigsan oo aan is aaminin waligood mid walbana sigooniya loogu taliyo oo la hoos geeyo Ethiopia.

Dadkii gumaysiga necbaa ee jeclaa diintooda iyo dadkooda iyo dalkooda eeg heerka la gaarsiiyay!! nin waliba walaalkii ayuu doonayaa in uu ka helo fursad uu ku gawraco,isagoo shisheeye raali galinaaya. qofkii soomaaliyeed walaalkii soomaali la ah ayaa looga dhigay cadaw halka walaal iyo nasteex looga dhigay ethiopia iyo kenya iyo shisheeye.

waxaan lee yahay war hooy soomaaliyeey baraaruga oo fahma 1884 qorshihii laynoo dagay ayaa inagu socda,oo mustaqbalka dhaw dalkaga looga saarayo gacanteena iyadoo aysan jirin xoog laakiin xeel ah.waxaa layna gaarsiiyay heer aan la diriro in dalkeena soomaaliya uu yeesho dawlad kaliya oo katalisa,oo soocelisa hanaankii dawladnimo.dawlad nimadii oo dhan ayaan cadaw ku nahay oo la diriraynaa,kenya iyo ethiopiana waa dawlado sidee suura gal ku tahay arinkaani?

Waamaxay dawlad soomaaliyeed majirto waxa uun jira dawlada ehtiopia iyo kenaya geeska afrika? warsidee xaalkeenu yahay soomaaliyeey miyaynaan meel dheerba ka fakarayn? war ma ethiopia ayaa afrika xukumaysa oo libaax laga dhigayaa inagoo ah libaaxii afrika ee runta ahaa? war sow xaqu ma ahayn in aynu inagu xukuno afrika oo hogaamino kana celino kuwa adoon sanaya.?

Walaalayaal soomaaliyeey,ma waxaan leenahay majiro cadaw qaran oo aynu leenahay? sideen uugu qanacnay nus qarni in dalkeenu intii xorta ahayd ee lahayd dawladnimada oo xorowday 1960 kii,in aynu ahaano dawlad la aan? caalamkii oo dhan ayaa inala yaaban damiir xumadeena iyo liidnimadeena,war aan isdaba qabano oo dawladan ahada jirta intaa wax kale oo dhan meel iska dhigno taageero,markaasaan cid walba oo cadaw soomaaliyeed ah cashar u dhigaynaa oo dalkeena aan la hawaysan karaynin.

Wixii dhib ah ee gudaheena ah hadee inagaa wada dhalanay oo walaalo ah dalkana inagaa leh,aan arimaheena si gaara oo hoose u dhamaysano inagoo iska ilaalinayna cadawgeena.laakiin maha in aan dalkeena iyo dadkeena iyo diinteena u dayacno reer hebel colbaan la ahay!! reer malaha dalkaan,shaqsi malaha dalkaan,gobol gaari malaha dalkaan waxaa iskaleh dalkaan soomaali oo dhan.  maha in aan cadaw u loogno oo dayacno dalkeenii illaahayna waa ina suaalayaa dayaca dalkeena aan badnay.

Culimada soomaaliyeed ee asalka ahi aqoonta fiicana u leh diinteena waraysta kama hadlayo wadaad xume carab soo salaaxay oo waayadan danbaba lumiyay dadkii soomaaliyeed,hadaba ogaada diinteenu ma ogola dawlad la aan marnaba xataa hal maalin.diinteenu ma ogola in dalkaaga aad u ogolaato cadaw iyo gumaysi midna.aan isdaba qabano walaalayaal soomaaliyeey isma huraynee.

Dabinkii rag shalay inoo dhigay wakaa maanta aan isu haysano laba labo oo wax soomaaliya oo israbta oo dawladnima rabta loo la yahay. xasuuso iswaydii qaybintii dadkeena iyo dalkeena 1884 magaalda baarliin maantana fiiri oo fakar waxa dalkeena ka socda,ha noqon xoolo cawska daaqa oo iska nool ee fakar.

Yusuf Cumar

mashruuc5@hotmail.com