Diinta dadka yaan lagu wax yeeleyn!

Salaadda saqda dhexe ee [ tahajudka] loo yaqaan inta u soo kacdaa ma dhama 3%, oo dadka badankiisu waxa ay dukadeen taraawiixdii oo uga filan qiyaam, amaba waa caruur, ama waa dad waaweyn oo aan soo kici karin, ama waa haween, ama waa dad subaxdii shaqa leh, kuwa xanuunsan, kuwa safar ah iyo qeyba kale oo aan u soo kacayn salaadda saqda dhexe.

Marka waa xaq daro ah in 1:00am habeenimo makarafoonada ugu qeylada dheer bulshada lagu shido ee qasab looga dhigo in ay la soo jeedaan oo ay qasab ku dhegaystaan.

Dad jiran, dad subaxdii shaqa leh, dad safar ah, caruur subaxdi school leh, waxaas oo dad ah waa ku dhibaato in dushooda 3 juz oo qur’aan ah iyo salaadeheeda lagu dul dhameeyo ayada oo la adeegsanayo makarafoonada ugu xoogga badan oo caruurtu ka sasayaan dadka da’da ah iyo kuwa xanuunsana wadnaha kala soo baxaya.
Dadka saqda dhexe dukanaaya waa in ay codkooda gudaha masaajidka kaliya ku koobaan. Xaq uma laha wax aadaanka ka baxsan in dibadda loo gudbiyo. Aadaankana waa in cod macquul ah lagu gudbiyaa oo aan codka makarafoonada fara ka bax laga dhigin.

Nin oday ah oo weliba wadaad ah ayaa igu yiri: xaafadda waa ka qaxayaa, masaajidka dartiis, waayo caruurtaydu habeenkii ma hurdaan!

Diinta hadii qolyana dadka ku dilaan qolana ku hurda tiraan, wallaahi, diinta dadka waa la nacsiinayaa.

Ajir iska daaye dembi ayaa ka soo gaaraya dadka dhaqankaan ku kacaya. Masjidkooduna waa [Masjidu-Diraar] shaki la’aan u baahan in bulshada laga qabto ha la dumiyo dhihi ma karnee!

Hassan Hundubey Jimcaale