Dagaal Al-Shabaab,ciidamo cadaan ah iyo kuwa Soomali ah ku dhexmaray Duleedka Kismaayo.

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada kismaayo ee gobalka jubada hoose gaar ahaan inta u dhexeysa Deegaanada Baar-Sanguuni iyo Buulla Gaduud ayaa sheegaya in Dagaal culus uu halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Dowladda oo garab ka helayo kuwa Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud ee gobolka Jubada Hoose, waxaana la sheegay inuu yimid dagaalka, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaankaasi oo ay fariisin milatari ku leeyihiin Ciidamada maamulka Jubbaland.

Ilaa iyo hadda lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac iyo sidoo kale dadka deegaanka ka soo gaaray dagaalkaasi, sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidanka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi.

Dhanka kale muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaano ka tirsan Jubbooyinka oo ay weli ku gacanta ku hayaan deegaano ka mid ah gobolladaaasi.