Daawo: Maxaad ka ogtahay gurmadkii Cusmaaniyiinta u gurmatay abaartii weyneyd ee shacabkii Irland 1840kii

Sanadadii 1840-yadii wadanka Irland ayaa waxaa ka dhacay abaar aad iyo aad u balaarneed oo dad aad u fara badan oo malaayiin gaaraayo ku dhinteen iyo malaayiin kale ay ku barakaceen.

Waxaa u soo gurmaday dowladii Cusmaaniyiinta oo aad uga qiirooday dadkaas meesha ku la’anaayo in la gaarsiiyo gurmad lacageed iyo gurmad raashin.

Suldaankii Cusmaaniyiinta Suldan Cabdulmaciid uu go’aansaday in wadanka Irland loo diro lacag iyo waxay cunaan maadaama dhibaato badan ay kaga dhacay botaatigii ay aadka u cuni jireen oo cuduro ku dhacreen, wadankaas oo ay ka talin jirtay boqortooyada Ingiriiska, Suldaanka oo rabay in uu u diro 10,000 istarliin ayaa boqortooyada ingiriiska been ka sheegtay in ay lacagtaas ay  dhameed 1000 istarliin maadaama boqortooyada u dirtay 2000 Lacagta Istaliinka, ayna ku aheed ceeb, sidaas darteedana ayey been Ku sheegeen.

Laakiin Imbaratooydii Cusmaaniyiinta   waxay Ku badaleen in ay u diraan 3 markab oo cuno ka buuxdo iyo lacag farabadan, Waxaa kale oo yaabka lahaa in maraakiibtii Ku soo xiran laheed Dublin, waxaana qasab Ku noqotay in ay ka soo xirtaan dekeda yar ee Drogheda oo aheed deked macmal ah.