Ciidamada Dowladda oo maalmihii dambe dilal u gaystay Darawlada Mooto Bajaajka ku xamaasha.

Mid ka mid ah askarta Ciidanka Minishiibiyada ayaa maanta degmada Xamarweyne si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wadaha Bajaajka ee la dilay ayaa xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, iyadoo markii hore isagoo dhawaaca ah Darawalkaasi laga qaaday goobta, waxaana la dhigay Isbitaal ka mid ah isbitaalada Muqdisho, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Sidoo kale Dadka degaanka ayaa sheegay in wiilka la dilay iyo askariga ka hor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka, iyadoo Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilka geystay, iyadoo loo taxaabay Xabsiga

Dhanka kale laba maalin ka hor waxaa isna la dilay darawal kale oo ka xaynay Mooto Bajaaj, iyadoo wiilka la dilay Da’diisu ay ahayd mid aad u yar, kaasi oo lagu magacaabi jiray Alle Ha u Naxariistee Maxamed C/Kariin, falalkaan ayay noqdeen kuwo soo noq noqday maalmahaan dambe.