Australia: Qoys Somali ah oo Magdhow ka helay Dowladda

Dalka Australia Hooyo Soomaali ah ayaa heshay lacag dhan $23,000 oo Doollarka Mareykanka ah taas oo loo siiyay magdhow ahaan kaddib markii ay waxyeello dhinaca maskaxda ah ka soo gaartay dil sanadkii  2015kii loo geystay wiil ay iyada dhashay .

Cabdullahi Maxamed Cigaal 00 25 jir ahaa ayaa waxaa dilay C/Qaadir Faarax,waxaana labada Wiil ay sheegeen Booliska in ay saaxiibo ahaayeen kuwaas oo adeegsan jiray maandooriyaha.

Cigaal ayaa Lafahiisa laga helay Goob Ciyaaraha lagu ciyaaro  oo ku taalla Magaalada Mirrabooka ,waxaana halkaas ku aasay C/Qaadir Faarax oo dilay Cigaal.

Cigaal hooyadii oo lagu magacaabo  Ruun Axmed Cawad, ayey Boolusku sheegeen in ay wax yeello dhinaca dhomirka ah soo gaartay kaddib markii saddex bil kaddib la helay Lafaha wiilkeeda oo la la’aa muddo bilo ah,waxaana dhaawacyada dhinaca maskaxda ah darteed loo siiyay lacagtaas.

C/Qaadir Faarax ayaa la xaqiijiyay in uu soo galay Dalka Soomaaliya kana baxsaday Booliska Australia oo jaray warqaddii lagu soo xiri lahaa.

Madaxa laanta Dambi baarista Perth ee uu falkan ka dhacay Helen Porter,ayaa sheegay in C/Qaadir uu u baxsaday Soomaaliya,Dowladda Australia iyo Soomaaliyana uusan ka dhaxeyn heshiis isu celinta dambiilayaasha ah.

Dilka Cigaal ayaa colaad ka dhex abuuray Soomaalida Magaalaga Perth dhexdeeda sida ay Boolisku sheegeen,waxaana ay shir wadahadal ah u qabteen Odayaasha dhinacyada Soomaalida ah.