Xubnaha Sool iyo Sanaag ku matala Federaalka oo ku kala aragti duwan cidda leh Gobolladaas

Xildhibaannada iyo Wasiirrada labada aqal ee dowladda Federaalka ah ku matala Gobollada Sool,Sanaag iyo Togdheer ayaa baaq ka soo saaray colaadda Degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Labada dhinaca oo ujeedadoodu tahay ku baaqidda in Xabadda la joojiyo ayaa haddana kala aaminsan in Gobollada la isku heysto ay hoostagaan Maamullada Puntland ama Somaliland.

Qolo waxaa ay ku sheegeysaa in saddexda Gobol ay hoostagaan Somaliland iyaguna ku matalaan Dowladda Federaalka ah,halka kuwo kale ay sheegayaan in ay Gobolladaas hoostagaan Maamulka Puntland iyaguna ku matalayaan Dowladda Federaalka ah.

War-saxaafadeed labo ah oo ay soo kala saareen labada dhinac ayaa u qoran sida hoos ku xusan.