Al-Shabaab oo Xildhibaano iyo Saraakiil ku dishay inta u dhaxaysa Qalimow iyo Balcad.

Wararka naga soo gaaraya, inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo degmada Balcad waxaa weerar dhabagal ah galabta lagu Qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo ciidan galbinayay.

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab gaar ahaan kuwa jugta culus ayaa laba Gaari la helay Qoriga RBG, kuwaasi waxaa saarnaa mas’uuliyiin Hirshabeelle ka tirsan, halka kan kalena uu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidan, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Dhanka kale mas’uuliyiinta Hirshabeelle oo soo xiganaya ilo dhinaca Millitariga ah ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsan Hirshabeelle, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Raage Ceelle Muuse Afweyne, dhammaan xubnahan ayaa saarnaa gaari nuuciisa uu ahaa PRADO oo ay inta badan Madaxdu adeegsadaan.