Mataano isku dhaganaa oo shalay Ku geeriyoodeen dalka Tansaaniya

Dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaaaday geerida labo gabdhood oo Mataane isku dhegan, waxaa lagu sheegay in geerida gabdhahan sababtay wadnaha oo istaagay.

Inkastoo gabdhahani ay wadaagayeen xubnaha qaar ee jirkooda sida beerka iyo sambabada, haddana mid kastaa waxaa gooni u ahaa wadnaheeda.

Maria iyo Consolata oo 22 jir ahaa ayaa waxa ay isaga dhegnaayeen qaarka dambe, shalay ayayna ku dhinteen isbitaal ku yaalla dalka Tanzania.