Maqaal: Xujooyinka heeysta MD Farmaajo inta uu socdo shirka amniga Qaranka ee Baydhabo

Dagaalo uusan wax talo ah ku laheeyn sida dagaalka tukaraq, Puntland waa u muhiim in eey taageero uga hesho halka Farmaajo uusan ku qancin karin in dagaalkas joojiso puntland. Si lamida puntland waxaa ku furan front line kale ee dhanka galgala oo aad u dhib badan dowladuna taageero buuran kuma bixiso.

Galmudug waxaa heeysta kala bar dhanka bariga alshabaab, waxaa kaloo jira khilaaf culus oo siyaasaded oo caqabad ku ah in lafuliyo balan qaadyada amniga. Khilaafkas waxow caqabad ku yahay in beesha caalamku taageerto oo dhaqaalo ku bixiso ciidamada.

Jubba land waxaa ku furan fatahaada wabiga jubba, khilaaf siyaasadedna waxaa looga furay gobolka gedo sababtoo ah in Ahmed madoobe ka horyimid goaankii Emarates dalka looga saaray. Jubbaland lafteeda waxaa laga heeystaa dhul balaarin oo gacanta shabaabka kujira.

Hirshabelle musiibo fatahaada iyo maamulkii oo dhaqaalo xumo u dhaqaaqi la.

Somaliland oo masuuliyada dagaalka Sool dusha ka saartay dowlada Federalka. Cid aan federalka ayeeyna eeysan kala xaajon dagaalka halka puntland eey taagan tahay wax ka quseeysa federalka majirto dagaalka Sool. Koonfur galbeed kula jire kaajire siyaasaded oo federalka iyo maamul goboledyada eey kula wada socotaa lkn arinta Emarates waxeey la muuquf tahay maamul goboledyada.

Aminga guud wali waxaa si dar dar leh usii xoogeysanaya ururka alshabaab, dilal qorsheeysan iyo weeraro joogta ah kawada dalka guud ahaan Qaasatan Xamar.

Dilemada heeysata Farmaajo waa in uu layimaad caqligii iyo siyaasadii uu intaas oo mushkilado iyo dano isdiidan kuwada maareeyn lahaa.

Maxamed Salaad Yarow