Duqayn Mareykanka ka fuliyay Deegaan ka mid ah Puntland oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iyada oo la socdaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 Mille u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 Shabaab ah, Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dad shacab ah.

AFRICOM waxay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale qoraalka ayaa lagu sheegay inay taasi qeyb ka tahay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagula midoobo howlgallada ka hortagga Shabaab, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.