Al-Shabaab oo ku gubay Gawaari Xamuul ah deegaanka Qurac Joome, iyagoo dilay dadkii saarnaa Gawaaridaasi.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa Jidka u galay Gawaari xamuul ah oo raashin Ganacsi geeyay magaalada go’doonsan ee Xudur oo ah Magaalo madaxda Gobalka Bakool ee koofurta Soomaaliya.

Masuuliyiinta Gobalada Hiiraan iyo Bakool ayaa sheegay in Al-Shabaab ay wadada u galeen 13 Gaari oo nuuca xamuulka ah, kuwaas oo raashin ganacsi geeyay magaalada xudur ee xarunta Bakool.

Baabuurtaan ayaa loo galay inta u dhaxeysa Qurac Joome iyo Xudur oo ka tirsan gobalka Bakool waxayna gubeen 11 Gaari oo qaar ka mid ah Qarax lagu xiray halka ay ka baxsadeen 2 Gaari oo kaliya.

Dhanka kale Babuurtaan oo raashin geeyay Xudur ayaa ka baxay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan oo ay raashinka Ganacsiga ka qaadeen, waxaana laga lahaa gobalka Hiiraan, iyadoo Al-Shabaab la sheegay inay toogteen lix qof oo shaqaalaha gaadiidkaasi ahaa, halka kuwa kalana ay ka baxsadeen in la dilo.