Maxay tahay danta ugu jirta Puntland kulanka Baydhabo?

Hadaan ku hormaro, suurtagal ma tahay sidaan qoraalo hore ugu sheegey in Madaxweyne Gaas isagoo eegaya danta Puntland ka maqnaado mid kamid ah shirarka macno darada ah oo ay ku kulmaan madaxda maamulada iyo kuwa dowlada Federalka ah? Jawaabtu dhinaceygu waa maya?

Sababta ay khalad u tahay in Gaas shirka Baydhabo ka qayb galo:

Magalaada Baydhabo ayaa waxaa ka furmaya shir lagaga hadlayo qorshaha amniga qaranka kaas oo sida aan xogta ku hayo madaxda DFS si lacag beesha caalamku ugu talagashay dhismaha ciidanka lagu magacaabo SNA loogu soo fasaxo lagu xirey Iney la yimadaan saxiixa madaxda maamulada ka jira dalka “rubber stamp”

Hadaba waxaan la soconaa in amniga Puntland khatar ku jiro gaar ahaan colaada ka taagan Tukaraq iyo dagaalka kooxaha Al shabaab iyo Daacish ka wadaan buuraleyda Galgala iyo Gobolka Bari, hadaba su’aasha is waydiinta leh waxay tahay ma jirtaa kaalin dowlada Federalaka ku leedahay ka hortaga khatarhaan? Jawaabteedu waa maya.

Hadaba ka qayb galka Gaas ee kulanka Baydhabo ee lagaga hadlayo iskaashi amni aan jirin waxaa ay ka dhabeynaysaa eedeyntii Muuse Biixi oo aheyd in dowlada Somalia soo weerartey ciidankiisa ku sugan Tukaraq. Hadaba akhristow ogow Villa Soomaaliya ma beenin eedaymahas uga imaanayey Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ka qayb galkiisa kulankaan waxaa ay kordhinaysa tuhunkii shacabka ka qabey In mudadii xilka uu hayey In qadiyada masiiriga ah ee Puntland uu ku iibsado ka qayb galka kulmadaan iyadoo uu iska in-dhatirayo xaalada dhabta ah ee jirta.

#NB: Su’aal kale ma dhici kartaa In dowlada Federaalka lacago ku bixiso difaaca Puntland balse aan shacabka loo sheegin taasina ay khasab ka dhigeyso ka qayb galkiisa shirkaan.

Midda kale oo is waydiinta mudan waxay tahay miyaa la xaliyey khilaafkii la sheegayey inuu u dhexeeyo madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka. Arinku ma la jiifiyaaba banaan-baa?

Mahamed Abdirahman Faroole