Maqaal: Ragii Ku dhaawacmay Tukeraq oo loo qaaday Dubai, Yaase laga tagay

Horaan uuga hadalay,in dagaalkii ka dhacay TUKARAQ, ay wadeen labada madaxweyne goboleed ama aan dhahnaba siday sheegtaan madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo Madaxweyne dawlada puntland Mudene Dr Gaas. Waxaan cadaynay in waxa kalifayaana ay tahay,in labada madaxweyne midwaliba dhankiisa uula ciir ciirayo,hogaaminta siyaasada dadkay maamulaan oo wada dareen ah in aan loo sii dul qaadan karayn hogaan xumadooda taana badalkeeda labada shacaba ay u heelan yihiin,in ay doortaan hogaan wanaagsan oo dalka kasaari kara dhibka siyaasadeed ee ragaadiyay.

Dagaalka waxay u arkaan, mashquulin dadwayne si aan loo arag iyaga.waxaa intaa dheer lacago ay kahelaan shisheeyaha danaha kaleh dalkeena soomaaliya oo ay ku iibsadaan xuquuqda shacabka somaaliland iyo puntland.waa niman garaadkoodu ka badin waa yay in ay u khidmeeyaan oo kaba qaad u ahaadaan cadawga soomaaliyeed, iyagu waa daba dhilifyo cad.

waa sadex qodob oo ay ku sifaysan yihiin,oo kala ah sidan.

1.Dhiigdaadin ah kursiga ku dheerayso.

2.Lacago ay ka helaan cadawga soomaaliyeed,iyagoon dan kalahayn diin,dad,iyo dalba

3.U adeegid dawlado shisheeye oo dano guracan kaleh dalkeena sida Ethiopia iyo Emaraat xulufo ah,iyo la dagaalamid in dalkeenu soomaaliya ay yeelato dawlad dhexe oo xoog leh oo shaqaysa.

Intaa markaan halkaa ku dayno,aan u gudubno dagaal kii dhacay Tukaraq dadbaa ku dhintay,dadna waa ku dhaawacmay, dadna maxaabiis ahaan ayaa loo haystaa oo waa xiran yihiin.suaasha waxay tahay ninkii dhintay dhimayba isagu,kii dhaawacmay maxaa loo qabtay?

DHAAWACYADII SOMALILAND SIDEE U MAAREEYAY MUUSE BIIXI?

Madaxweyne Muuse dawlada Emaraadka ayuu u diray codsi ah in ay ka caawiyaan,in dhaawacyada culus loogu qaado DUBAI,waa laga aqbalay,waxaana loo qaaday 5 dhaawac ah waxaana lagu sheegay in ay kala yihiin sidan soo socota.

Maxamed cali faarax beesha sacad muuse)

Yuusuf haybe samatar ( beesha sacad muuse)

Ayaanle ciid ducaale  (beesha dhulbahante)

maxamuud suldaan cabdiqaadir  (beesha sacad muuse)

warfaa maxamed khadar  (beesha habarjecel)

Muuse dan kama galin wuuna dayacay oo cidla uuga tagay 6 nin oo dhawac halis ah oo ah beelaha kale ee SOMALILAND!!

Waxaa xusid mudan in markaad xooga leedahayna oo aad lixdaadii lixaad qabtana laguu baahdo tol lagaa dhigto,markaad dhaawacantana cidla lagaaga tago.markaa saw dawma aha in intaad silic u dhiman lahayd oo xubnahaaga lagaa dhaawici lahaa oo laguha lagaa guri lahaa in aad is ilaaliso oo aad ka fogaato dagaalkaa khasaaro oo rag kurisgiisa ku ilaashanayo?

Dal sidee umaamulayaa ninka dhaawicii kala qabyaaladaynaya kuwaas oo isagu udiray dagaalka lagu soo dhaawacay naftoodii? dadkii soomaaliyeed waxaa helay dan layn cadaw ah oo ku badalanaya kursi iyo lacag.

Labada shacab iyo beelaha iyo jifooyinkuba waa inay ka digtoonaadaan wiilashoodana ka qabsadaan cadawgaa gumaadaya ee cabaya dhiigooda.War soomaaliya ma cadaw shisheeye ayaa kusoo duulay? yaa ladilayaa? dalkee la xoraynayaa oo la qabsanayaa? ma dawlado soomaaliyeed ayaa jira oo lakala yiraahdo somaliland iyo puntland? maanta Muuse Biixi dagaalna magalin qaraabadiisa hoose iyo caruurtiisuna kuma jiraan kursi iyo lacag ayuu haystaa waxa hoogay waa doqonka lugaha looga guray tukaraq.

DHAAWACYADII TUKARAQ PUNTLAND SIDEE U MAAREEYAY DR GAAS?

Waxay sidoo kale u qaaday Emaraatku 5 kamid ah halka laga tagay 7 kamid ah dhaawacyadii.raga laqaaday waa kuwan ee Dr Gaas u diray dibada.

Warsame nuur xirsi (beesha cumar maxamuud)

Maxamuud jaamac libaax liqe (beesha cumar maxamuud)

dhooys faarax sharmaarke( beesha cismaan maxamuud)

cali xaad ceegaag (beesha ciise maxamuud)

Aloore jaamac garaad (beesha dhulbahante)

Waxa uu katagay beelihii kale ee puntland 7 kamid ah dana kama laha dr gaas.walaalayaal soomaaliyeey goormaad wax baranaysaan oo aad ka xoroobaysaan in aad u dhimataan talo xumo nin kursigiis oo waliba aan ahayn dawlad rasmi ah!!

shalay waa fayoobaayeen maantana runtay dhadhamiyeen oo cidlaa looga tagay.waa dagaal khasaaro,dadku waa isku diin,somaliland iyo puntland waa soomaali ehel ah walaalo ah isku diir ah isku dad ah isku diin ah isku dal ah,maxay u dhimanayaan? wiilasheenii dalka inoo difaaci lahaa ee nacabka iyo shisheeyaha ka ilaalin lahaa hadayno banaan cidla ah ku xasuuqno,sow shisheeyuhu dalkeena dhaxli maayo? yaa ka shaqayn bada,beeraha,xoolaha,dalkeena hadaan layno dhalinteenii?

waa dagaal dabadhilif shisheeye u adeegayaa wado.waa dagaal aad ku seegayso labada daaroodba tan aakhiro hadaad ku dhimato iyo tan aduunka hadaad dhaawacanto.waa dagaal dadkeena lagu kala fogaynayo si soomaalidu isugu soo dhawaan waligeedba oo ay sidaa uun isu dabar jarto.

Sadex arimood hadaadan ku dhaqmayn oo dan aaminin noloshaado qiimo malaha aduunkana noqon maysid qof dunidu qiimayso oo macno leh waa lagu liidayaa oo lagu quursanayaa waligaa ogoow taas.

1.Diintaadu waa islaam suni ah qabsoo aamin kugu filan iska daa firqo firqo iyo kala qoqob

2.Dalkaagu waa Soomaaliya leh hal dawlad oo fadaraal ah,hal calan oo baluug ah xidig cadna dhexda ku leh,difaaco dalkaaga soomaaliyeed bad iyo bari iyo cirba noqo dawlad dareen kalsooni buuxda iyo qaranimo iska diid kala qaybin dalkaaga iyo dadkaaga soomaaliyeed ee halka ah.

3.Dadkaagu maha qabiil iyo jilib waxaad tahay SOOMAALI kugu filan ku faan soomaalinimadaada iskula waynoow iska diid kala qoqobid iyo kala qaybin jecloow soomaalinimadaada. difaaco soomaalinimadaada.

Yusuf Cumar

mashruuc5@hotmail.com