Maqaal: Buntilaan waxaa ka go’an in ay Soomaalilaan ka kiciso Sool iyo Sanaag…

Hadda Buntilaan waxaa ka go’an in ay Soomaalilaan ka kiciso gobolladaas. Ha ahaatee waxaa jira dad isweyddiinaya “ maxay awel sugeysey intaas oo dhan oo ay dhulka uga fujin weydey Soomaalilaan?” Waxaana jira sababo iyo eedaymo la sheegayo oo ah: in madaxweyne Gaas rabo xilli-korosi; in Garoowe ay difaaceyso Buntilaan; iyo in ceelka Holhol uu sabab u yahay dhaqdhaqaaqa Buntilaan. Waxa aan aamminsan ahay in eedahaas oo dhammi ay sida xabagta ugu dhegayaan Buntilaan, waxaana yeelay, ma jiraan sababo dad waaweyni la soo shir tegi karaan oo keenay in dhulka markii horeba la qabsado ama haddii la qabsaday si dhaqso ahaan dib loogu soo celin..

Dhinaca kale ee Soomaalilaan, waxa aan hubaa in dadka madaxda ah, kuwa lexejeclo ka hayso maammulkaas iyo dadka waxgaradka ahba ay maskaxdooda markii koowaad ku soo dhacayso in ay isweyddiiyaan muuqaalka ay Soomaalilaan yeelaneyso marka laga fujiyo gobolladii ay Buntilaan ka qabsatay. Buurta ay arrintu figteeda iska soo taagey waa mid ay ka soo muuqanayaan in dadku ka fekeraan ama ka welwelaan in Soomaalilaan gebi ahaanba burburto oo dedaalkii iyo waddan-jira-iska-yeelyeelkii ay noqdaan ‘hal bacaad lagu lisay.’ Iyada weliba Soomaalidii ay aadka u caayi jireen, sidii niman Maaris u guuraya oo dhulkanba ka tegaya aysan u sii dhigan waji ay la hor yimaadaan.

Buntilaan waxa ay leedahay, sidii ninkii jirey, ICH KOMME!

Maxamed Aadan Ciiraale