Kullan sanadkiiba mar laqabto oo lugu weyneynayo fa idada bisha ramadaan iyo fadligeeda ayaa waxaa lugu qabtay dalka hollan, kulankaasoo ay qaban qabisay jaliyada zwoola iyo nawaa xigeeda .
Waxaa kasoo qeybgalay dad aad u tira badan oo ayna ka mid yihiin odaal wax garad arday iyo dad marakaasi magac kuleh busha weyna soomaliyeed ayagoona ka faa ideysnayay muxadaro diini ah oo halkaasi ka soo jedinayay Shiiq axmed Macloow oo ah mashaa ciqda deeganka nijmegen ee dalka hollan .
Soo jeedinta muxadaradasi ayaa waxaa uu shiiqa aad ugu hadlay faa idida ay leeydahahay bishan ramadaan iyo nika alla soo garsiiyo in uu yahay qof aad unasiibdan loona baahan yahay in uu ka faa ideysta bishan ramadaan Alana ay weydiistaan dambi dhaf bishan ay tahay bil rabi uu bixinayo aabal marinteyda kana qeyma badan tahay billaha kale
Ayna tahay bil uu soo dagay qur,aanka kaariimka fadligeydana uu ad u weyn yahay madama ay dadka kunool qarada yurub ay soomayaan waqti dheer loona bahan yahay in ay udhabar adegaan qeyrkaa rabi la soo dontay ayna maskax diina adan galin waqtiga ayaa dheer mana abodi karayo in aan soomo xiligaa in la eg .
Sidoo kale waxaa halkaasi kahadlay oo kulankan Afurinta gudoomiyaha jaliyada ZWOOLLA iyo nawaa xigeyda Cabdul qaadir Cali Nuune waxaa uuna shegay in mudadii ay curatay bashan ramadaan ay jaliyada ey meel qura kuwada afurayeen ayna qeyb ka aheed balan qadayadii uu uqaday jaliyada in ay meel kuwada cibadeys tan muda lugu guda jira gudasha bisha ramadan ayna meel kuwada ciidi doonan waxaa kaloo uu gudoomiya cabdulqaadir cali nuune umahad celiyay hablihii soo sameyay rashinka afurinta dhabarkana udhigtay in ay afuriyaan jaaliyada mudada lugu guda jira gudashada bisha ramadaan .
Ugu dabeyntii qudbada gudoomiyaha ayaa waxaa uu duceyayay soomalida meel kasta ay joogaan in uu rabi ka dul qaado dhibatada iyo dhiiga so keye ee dadadnayo in ay rabi kacabsadaan kana wan toobaan colaada gaamurtay.
Gudiga jaaliyada oo uu horkacayay Jaamac ismaaciil ayaa asgana waxaa uu amaanay hablihii waqtigooda galiayay diyarintan afurinta waxaana uu doco iyo dar daaran hawada umariyay dumarka jaliyada zwoolla iyo nawaa xigeeda ku dhaqan sida quman oo qiimaha badan u soo garab istaageeyn saa imiinta kuwada kulmayeen gobtii ay siisay mamulka deeganka zwoolla rabina ugu baryay sanadkan sanadkiisa kalo in uu rabi kuwada garsiiya cimri dheer iyo cibada suuban ac mashoodana rabi uu aqbalo
W/Q/BASHIIR JIIDAAL BAROOW
bashiirjiilaal@gmail.com