Hogaamiyaha Seddexda Milyan ee Dowlad Goboleedka Banaadir oo Ku guuleysatay ka qeeb galka shirka dowlad goboleedyada

Eng. Yariisoow oo Muqdisho Gaarsiiyay Maqaam ay Wax Kula Qeybsanayso Dawlad Goboleedyada Federaalka

Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan {Yariisow} ayaa dadaal dheer kadib waxa uu ku Guuleystay inuu G/Banaadir ka qeyb qaato shirka looga hadlayo Amniga Qaranka oo ka furmayo Magaalada Baydhabo.

Shirkaas oo ay ka wada qeyb qaadanayaan madaxda Dawladda Dhexe, hogaamiyaasha Dawlad Goboleedyada & Maamulka G/Banaadir ayaa waxaa shir gudoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Md, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Seddexda Milyan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay qabashada shirkaas, waxayna caddeyeen inay ku farxsan yihiin inuu G/Banaadir qeyb ka yahay shirkaasi Qaran, iyagoo u rajeeyay Gudoomiyahoodu inuu door wax ku ool ah ka cayaaro shirkaas.

Shiiqaalow Xassan