Dilalka ka dhacaya Muqdisho oo sii kordhaya, iyadoo lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhow Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxay ku dileen labo Wiil oo dhalinyaro ahaa.

496515016

Dilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Bakaaraha,waxaana loo geystay labo wiil oo dhalinyaro ahaa oo gaadiidka shacabka ka qaadi jirey lacago.

Rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka Labadda wiil ee dhalinyaradda ahaa,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Wax yar kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda ammaanka Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo goobta ka sameyay baaritaano.

Dhanka kale xalay xiligii afurka kadib waxaa sidaan oo kale goobta loogu dilay labo wiil oo dhalinyaro ahaa.