Gaas iyo Xaaf oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Garoowe

Wararka laga helo Magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay ku kulmeen Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland C/wali Gaas iyo Xaaf.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku kala sugan Magaalooyinka Garowe iyo Dhuusamareeb Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Kulankaan ayaa ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, waxaana labadda hoggaamiye ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Adkeynta nabad galyadda Magaalada Gaalkacyo, Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug,iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda.

Dhinaca kale kulanka labada mas’uul ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf weyn u dhaxeeyo maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna, kaasi oo ku saabsan qodobo ay ku muransan yihiin oo horay ugu saxiixeen shirarkii Jabuuti iyo Muqdisho.