Tartan Qur’aranka kariim oo lagu maamuusayay bisha Ramadan oo lagu soo gabgabeeyay M/Kampala ee Dalka Uganda

Tartankaan oo socdaya in ku dhow mudo labo todobaad ayaa waxaa soo qabanqaabiyay gudiga culimaaudiin Markazada Towxiid ee Magaalada Kampala ee Dalka Uganda, waxaana tartankaasi ka qayb qadanaya arday ka socotay Dugsiyo Quraanka oo gaaray tobon Dugsiyadood, kuwasoow tiradooda ahayd 40 araday ,29 wiillal iyo 11 gabdhood.

Tratankani ayaa waxaa dhexdhexaadinayay macalimiin isugu jirta soomaaliya iyo Uganda, kuwaasoow qiimayay ardayda ku guuleeysta intii uu socday tartartanka xifdinta quraanka oo ka koobna 30juus .15ka juus ,10ka juus iyo 5ta juus.waxaa lala yaabay ahayd caruutasi oo dadooda u dhaxeeysay 7sani jir iyo 14sano jir dadkii ka qayb galay la yaab ku noqotay cunug sideed sano jir uu quraanka xifdiyo 114 cadcadkiisa.alxamdulillaah. maa shaa allaah ,tabaarakallaah.
Munaasabad si heer sare loo agasimya oo lagu qabtay masjid toowxiid oo ay ka qayb galeen culimo audiin meel kala duwan ka yimid iyo safirka soomaliya u fadhiya Dalka Uganda, .marti sharakale iyo jaaliyaddasoomaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda. Wxaaa markale dib u bilaabatay in ardaydii ku guueleeystay xifdinta Quraanka Kariim la gudoonsiiyo abaal marin lacageed iyo mid shahaado,Ugu horeeytii waxaa abaal marin lacageed la gudoonsiiyay wiil yar oo sagaal sano jira ahi oo ku guuleeystay 30 juus ee quraanka laguna magacaabo Ismaaciil Cabdirizaq oo helay laca dhan 5000.ooo/ sh uganda oo u dhiaganta lacag lagu qiyaasay 1400$$ dooal, Maxamed MoaAwliid Cumar 2.5000./ u sh 750$ doolar kaalinta sedexaad Maxamed Cumar 1,000,000 u sh. oo u dhiganta 300$ oo doolar.

Dhinaca Gabdhaha waxaa10juus ee xifdinta Quraanka ku guuleeystay gabadha lagu magacaabo Xalwo cabduqaadir shariif oo la gudoonsiyay 1,300,0000/ ush. oo u dhiganta 400$ doolar iyo weliba Hibo cabdi kariim 900,000/ u sh. oo u dhiganta 280 $ doolar, iyo arday iyagu tartamayay 15juus 10ka juus,5ta juus iyagu shahaadooyin dhiiri gelin ah ,gabgabadii xafladda ayaa guud macalimiinta ka socotay dugsiyada Quraanka kariim la siiyay shahaadooyin. balse mid aakhiro ayaa ka weeyn sida aan wad ognahay.

Guuud ahaan gunaanadkii xafladda waxaa ka hadlay Sheik maxamed cabdi weli oo sheegay in aanan lagu ekayn xifdin oo kelya balse la wado dadaalka si caruurta mustaqbaaalka dhow ay noqdaa kuwa anfaca bulhada guud ahaan.waxaa iyana ka hadlay safiirka soomaaliya cabdi weli oo sheegay in illaah barakeeyo intii ka soo shaqeeysay dadaalkani oo aan ahayn mid fudud.
Gunanadkii macalin shekh Ibraahim oo u duceeyay ardaydii iyomacalimiintii iyo intii soo qaban qaabisay tartanka,in janadii fardoowsa eebbe ugu bedelo. Isagoow baaq nabadeed u diray Dagaalada ka soo cusboonaaday Puntilanda iyio Somaliland, bishii naarta laga xuroobi lahaa ,in naatra la tacbado, wuxuuna hadalkissa ku soo gabagabeeyay in la joojiyo loona duceeyo uu xaraam dagaalakaasi
Wxaa soo diyaariyay cismaan Axmed Salaad adduunyo Ex HORN AFRICA iyo SOMALIWEYN RADIO

WD: Cismaan Amrika