Muudey: ”Muqdishaay murugada kuu gaarka ah marag baa laga wada yahay !…”

Muqdisho ayaa ah magaala madaxda dalkeena waana magaalo muddo sanada ah marti galisay Murugo ugaar ah oo aanan muuqan wax lawadaaga kana damqada kurbooyinka sii laba laambaya cid si buuxda uga booga dhayda.

Dowladda dhexe ayaa waxaa saldhig u ah Magaalada Muqdisho waxayna kaheshaa dakhliyo aad u waawayn oo aysan kahelin gobollada kale ee dalka.

Muqdisho malahan matalaad Siyaasadeed mana cada wali waddo ay kuheli karaan dadka kasoo jeeda wax udooda xuquuqdooda iyo musiibooyinka joogtada ah ee ku dhacaya maalin waliba.

Dalkeena ayaa qaanuun ahaan ku salaysan Federaal taasoo ah in muwaadin waliba uu xaq uleeyahay helidda matalaad uu xuquuqdiisa ku heli karo.

Muqdisho sanadihii bur burka kadib waxay doowlad waliba oo soo martay usoo magacaabaysay Gudoomiye/Duqa magaalada illaa heer maamul dhamaystiran walina mamuuqato hab taa kaduwan shacabka Muqdishana usahli kara in ay doortaan gudoomiyahooda.

Magaalada waxaa ku nool qiyaastii 4Milyan oo shacab ah waxaana sanidihii ugu danbeeyay caadi ka ahaa dilalka,qaraxyada iyo wax waliba oo aadanuhu aanan awoodi karayn.

Waxaa marwaliba shacabku iswaydiin jireen halka uu uga yimaado dilka iyo qaraxyada waloow xalay aan aad uga murugooday dilalkii dhagar qabayaasha ay maleegi jireen oo muuqaalllo kasoo duubeen .

Caasimadda ayaa ah mid ay usiman yihiin shacabka Soomaaliyeed taasoo iyadana ay ku amaanan yihiin dadka Muqdisho maadaama bur burkii kadib ay aad u yaraatay in magaalooyinka qaar aan si siman loogu wada naaloon karin.

Marwaliba oo Muqdisho ay wax kadhacaan waxaa kuugu soo dhacaya su’aalo badan taasoo ugu danbayn aadan heli karin jawaab si xaqiiqa ah udhamaystiran.

Mas’uuliyiinta dowladda dhexe waxay badanaa kahor khudbeeyaan Shacabka Muqdisho waana kuwa ugu badan ee dhagaysta madaxdooda una riyaakha maadaama ay yihiin shacab ubisil ilaalinta doowlad’dooda.

Shacabka waxay badanaa yihiin marqaatiga waxa dhacaya kuna sabarsan waxayna daliil utahay in ay yihiin bulsho aamimsan Qaddarta eebe iyo nadaamka jira ilaalintiisa.

Gagabadii :-
Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta maanta haysa xilalka in ay ogaadaan ilaah in uu kula xisaabtami doono una turaan shacabka muddada dheer muragada ugaarka ah haysata sidii wax loogu qaban lahaa.

(Muqdishaay murugada kuu gaarka ah marag baa laga wada yahay !)
Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey