Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho.

Is rasaaseyn khasaare nafeed geysatay ayaa ku dhax martay gudaha degmada Dharkaynlay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya, Dadka ku sugan xaafada xoosh ee degmada Dharkenley ayaa sheegay in laba askari oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ay ciidamada xasilinta ku amreen iney maraan baaritaan, balse waa ay ka biya diideen oo waxii xiligaa ka danbeeyay waxaa dhax martay labada dhinac is rasaaseyn kooban, oo sababtay dhimashada laba askari oo ka tirsanaa Military-ga Soomaaliya.

Waxaa is rasaaseynta ku dhintay labada askari, oo tacsiirada ay dhax martay ciidanka xasilinta caasimada ee degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir, 2-da askari ee la dilay ayaa ka tirsanaa Guutada 4-aad ee ciidanka military-ga dowladda Soomaaliya, isku dhaca ay ku geeriyoodeen askartaasi ayaa la sheegay inuu sabab u ahaa, kadib markii ay hal wada ku wada kulmeen ciidanka xasilinta oo halkaasi ka sameynayay howlgal.

Daqiiqado kadib goobta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan waxa dhacay iyo sababta ka danbeysay in ciidamo military ah lagu dilo gudaha degmadaasi.