Haweeney Aabaheed ka caawisay in la dilo kana hadashay sababta ku kaliftay

Haweeney u dhalatay dalka UK ayaa gacan weyn ka geesatay sidii loo dili lahaa aabaheed oo 93-sano jir ah, waxa ayna Haweeneydan sheegtay in aysan marnaba ka xumeyn falkaasi ay gacanta ka geesatay.

Sandra Holmes, oo 66 sano jir ah ayaa aabaheed John Lenton oo 93-sano jir ah geeysay xarun dadka nafta looga qaado oo ku taalla dalka Switzerland si halkaasi loogu dilo kadib markii uu ka codsaday.

Talaabada ay haweeneydan qaaday ayaa sharci daro ka ah gudaha UK, waxaana hada socda baaritaano arintan la xariira iyada oo suurto gal tahay in dambi lagu soo oogo haweeneydan iyo wiil ay oo dhashay oo dilkan gacan ka geestay.

Sandra Holmes ayaa Warbaahinta u sheegtay inuu aabaheed weydiistay inay ku taageerto inuu isku dilo dalka dibadiisa,  waxa ayna xustay in aysan ka shalaynaynin falkii ay sameysay kuna taageertay go’aankii aabaheed.

War kasoo baxay Booliska Koonfurta Wales ayaa lagu sheegay inay baareen kiiskan ayna u gudbiyaan waaxda dacwad qaadista, waxaana la sugayaa nuuca ay noqon doonto dacwada laga gudbinayo haweeneydan iyo wiilkeeda.

Sandra Holmes iyo Wiilkeeda ayaa sheegay in ay ka warsugayaan in dacwad lagu soo oogo iyo in kale, waxa ayna sheegeen in xitaa diyaar u yihiin in ay xabsiga u galaan ficilkan ay sameeyeen.

Haweeneydan aabaheed gacanta ku siisay in la dilo ayaa ugu baaqday dowlada Britain  in wax laga badelo sharciga dalka si dadka aabaheed oo kale ah ay u sameeyaan waxa ay doonayaan.