Gargaar kala duwan oo la gaarsiiyay qoysas danyar ah magaalada Muqdisho

Ku dhowaad 200 qoys oo isugu jira caruur, dad waayeel ah iyo arday ka soo jeeda qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay deeq afurin ah oo ka timid ururka gargaarka Ubax Foundation ee fadhigiisu yahay magaalada Gothenburg dalka Sweden.

Deeqdaan oo inteeda badan loo qeybiyay ardayda ka soo jeeda qoysaska danta yar ee iyagu dhigta dugsi Qur’aanka Imaamu Shaafici ee degmada Yaaqshiid gobolka Banaadir ayaa ka koobneyd Bur, Bariis, Sokor iyo Timir.

Sidoo kale qoysas aan awoodin afurin ayaa nasiib u yeeshay in deeqdaasi ay helaan, iyagoona uga mahad celiyay ururka Gargaarka Ubax Foundation taakuleynta uu la soo gaaray, waxayna sheegeen in deeqdaasi ay ku soo beegantay xilli ay baahi u qabeen taakuleyn iyo garab istaag.

Qaar ka mid ah qoysaskii helay deeqda gargaarka ah ayaa waxay kaloo tilmaameen in kaalmadani ku soo beegantay xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan roobab dabeylo wata iyo qabow habeenkii ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo ururka gargaarka Ubax Foundation caawiyo qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira naafo, waayeel, dad dan yar iyo caruur qaarkood iyagu dhowaan soo gaaray magaalada.