Maxkamadda ciidanka oo dil ku xukuntay Rag loo heysto weerarkii Naasahablood 2

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddex Nin oo loo heystay weerarkii 28kii October lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Bartamihii Todobaadkan Maxkamadda ciidanka ee darajada 1aad waxaa ay u fariisatay kiiska Raggan,waxaana ay Maxkamadda sheegtay in xukunka dib laga shaacinayo.

Saaka ayey Maxkamadda shaacisay in Raggaas uu ku caddaaday kiiska,waxaana Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Farxaan Maxamed Samatar, C/Naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buulle,kuwaas oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Naasahablood Labo halkaas oo ay ku dhinteen 17 Qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya,Maamul Goboleedka Koofur Galbeed iyo Dadk shacab ah.

Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xukunka Maxkamadda uu leeyahay Racfaan islamarkaana ay Raggaas Racfaan ka qaadan karaan xukunta dil.