Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo gaaray Dalka Kenya.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo saakay ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheikh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maaanta galinka dambe la kulmi doono Dhigiisa Kenya Uhuru Kenyaata, iyagoona ka wada hadli doona arrimo quseeya Labada Dal.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Booqashada Madaxweynaha ay qaadan doonto Hal maalin.