Agaasimhii aan Gudneen Sheeko yaab leh! Qeybtii 2aad

Waa 2006 dhamaadkeeda magaalada Muqdisho Waxaa ka arimiyo maamulka maxaakiinta islaamka oo Aragti ahaan aan jeceleen Dahlin yaro aad u yar yar oo hubeysan misna Waxa barashadoodii ka door biday in Ee hub qataan waalidkoodna ku farxsan yihiin waxey ila noqotay Waxa yaab badan lkn Aniga Waxaan rabay in aan Magaca yeesho kana Dhexe muuqaato warbaahinta soomaalida koox diimeedkana aan hadalkooda dhag jalaq u siin.

Maalin Jimco ah oo aan Guriga joogo Waxaa si kadis ah iigu yimid Agaasimaha Idaacada oo sida caadiga ah mar mar Ii imaan jiray madaama xariir Wanaagsan oo haasaawe ah igala dhaxeyay sheeko iyo qaraaxo kadib Wuxuu Ii so baxshay Telphon Cusub oo Simikaar ku jiro waliba Shirkada Barakaad/Hormuud waxey Ii eheed lama filaan Farxad iyo in aan agaasimaha Jecel dhab ah aan u qaado Sababtow ah waxaad modaa in uu niyadeyda la socoday!

Wuxuu Iga dalbaday In aan is guursano sida Ugu dhaqsaha badan anigana Haye ayaan dhahay Wuu Iga tagay habeenkii oo Dhan Waxaan ku sheekeysaneynay fariin qoraaleed Wuxuu igu yiri Xogaa Waxaan ka walwalaa xaaskeyga markaan ku guursado sababtow ah Waxaa laga yabaa in Ee leenka dacwada in Ee iga saarto caruurtana gaalada iga siiso!
Waan yaabay Aniga xitaa! Waxaan ku dhahay aboowe Hada Maxaan sameynaa hee Ma jeceli in aan reerkaada kaa dudunsho.

Wuxuu igu yiri xal Wanaagsan Waa jiraa hadii aad igu raacee Waxaan ku dhahay Ii sheeg Wuxuu igu yiri waan is meher xadeynaa yacanii masaafo Aniga waan isku naxay Waxaan ku dhahay Hada waan jiifanaa wareer Habeen Waa loo waabireestaa Haye ayuu igu yiri habeenkii dhan Ma jiifan Waxaan dareemay Culees murug iyo in aan ninka aad u jecelahay oo igu adag tahay in aan Warkiisa dhagaha ka Fureesto.

Waxaa la gaaray Maalin shaqada Ma aadin oo xalay dhan Ma jiifan ooyinta iyo murugta Waa la IgA daremaa Aniga oo Waxa cunin Wali Waxaa i so wacay Wiil igu aabe ah oo mudo aan is maqlin Wuxuu igu yari Waxaan ku hayaa hadiyad iyo Canjalad kaaga timaaday Dibada Waxaan ku dhahay aboowe madaxa i xanuunaa Ee ciyaarta iga dhaaf, qof aan Waxa isku nahay oo Dibada joogo Ma aqaano Ee dhibka iga dhaaf, Wuxuu igu yiri Walaalkey inta qoslay….

Walaashey Ma xasuusataa hebal markaas ku dhahay may Wuxuu Ii sheegay neenaas Caan ah oo Ciyaalka dugsiga ku caay jireen Haa waan aqanaa aan ku dhahay Xage ku danbeyay Wuxuu Ii shegay yurub in uu joogo uu hadiyad Ii soo dhiibay waxey ila noqotay yaab kale oo Wiilka maba is aqoon isku dugsi ahaan jirnay Wuxuu ahaa loodka Naga weynaa.

Waxaan is weydiiyay sabab uu hadiyad kugu soo dhiibay aboowe aan ku dhahay Alaabta hadaad Ii keento ka waran Wuxuu igu yiri Meesha aad Dagan tahay waan ka baqaa Ee Adiga soo doono Haye ayaan dhahay.

Dhoor Maalin kadib Waxaan doontay hadiyada oo ahaa alaab badan iyo canjal uu iI so duubay Aniga markaas radio Insha ha iga galin la dhaho bis Xaafada yaalo, Waxaan tagay idaacada oo mid tabal ah aan ka soo qaatay dukaan Ii dhawaa Hore Waxaan Ugu soo gatay afar xabo batari ah oo la dhihi jiray abuu maroodi.

Waxaan si dhaqsi leh ku imaaday Xaafada oo Ee joogtay gabadha saaxiibtey ah canjalka ayaan daarnay Ugu Hore Waxaa ku duubneed Salaan iyo is xasuusin Wiilka Qofka uu yahay iyo kaftan iyo Xoogaa amaan uu Aniga i leeyahay waxaad tahay Gabar qurxoon dhamaadka canjalka Waxaa ku duubneed in uu Aniga iga rabo guur hadii aan hadalkiisa ku qanco aan Ugu soo jawaab Email oo cod ahaan u soo duubay oo hotmail ahaaa Aniga ahaan qof kale jecelaa oo hadalkiisa jawaab uma heen Waxaan u arkayay Hadal iska Caadi ah.

Shaqadii aan isbuuc kadib dib Ugu laabtay agaasimaha aan is aragnay Wuxuu igu yiri qolooyin aan barnaamijyo u qabano aa lacag ka dooneynaa Ee Na keen waan Isi soo raacnay, Dhexe marka aan mareyno ayuu igu yiri go’aan Ma gaartay mise Wali waad walwalsan tahay, Aniga xitaa waan dareemi karaa dhibkaada in masaafo Ee tahay Waxa adag laakiin caruurteyda dartood iyo jecelkeena Niyad Wanaaga ku Dhisan iiga yeel.

Waxaan ku dhahay waayahay Wuu farxay Wuxuu igu yiri jimcaha waan is mehersaneynaa aniga oo yara baqaa aan ku dhahay jimcaha soo Ma dhawa Wuxuu la soo booday Waxaa Wangsan in aan Hooshaan dhaqsi soo af jarno okey aan dhahay kadib Wuxuu Ii soo taagay lacag 200$ ah Waxaan dhahay Maxaan ku sameyaa Wuxuu igu yiri cilaan saar iyo dhar ka dhigo Hoosha Naga dhaxeyso qof ha u sheegin!

Habeenkii oo dhan ayaan fariin qoraal ku shegysaneynay agaasimaha Waxaan isla meel dhignay Meesha aan dageyno.

Waxaaa la gaaray Maalin Jimco ah Waa maaalinta iigu naxdin badneed inta aan noolaa xitaa dhimashada hooyadey oo ciidanka itoobiyaanka dileen uguma nixin sida Waxa u dhaceen.

Waxaan isku raacanay Guri Ee joogaan Nin wadaad ah iyo 3 Wiil dhalin yaro ah aan waligey arkin Aniga waan walwalsanaa sababtow ah waligey meher Ma galin, xoogaa kadib waxaaa dhacay meherki,i Waxaa la igu meheriyay 500$ iyo kitaabka Quraanka kariimka.

Waxaan soo aadnay guri uu asaga diyaarshay oo ku yaalo dhinaca #KM_0 Aniga Wali Waxaa igu jirto cabsi iyo walwal fara badan oo Cimri ahaan Waxaan jiraa 21 Sano Waxaan maanka ku hayaa Hooyo iyo Aabe iyo Walaalahey.

Waxaan soo gaarnay Guriga hadii aan fiirshay guri aroos uma eko guri dhalin yaro bis Dagan yihiin qaabkiisa ayuu iila ekaaday, Wuxuu igu yiri i sug Waxaan Noo soo gadaa Waxaan cuno iyo cabitaan Waana ku so dhaqsanaaa!

WQ Sabir Elmi Yusuf
Saabirelmi@gmail.com
LASOCO QEYBTA 3AAD