Maqaal Xiiso Leh: Reer Hargeysa waa ay og yihiin in…

Reer Hargeysa waa ay og yihiin in ay gar daran yihiin oo aan xudduud waddan, qabiilo jeexin talona ku lahayn. Waa ay og yihiin in Juulaay, 1960-kii waddankii samaysmay uu xudduudkiisii weli jiro wixii ka horreeyeyna uu xilligaas meesha ka baxay.

Reer Hargeysa waa ay og yihiin in waddan haddii uu burburo oo saaqido (failed state) aysan taasi ka dhignayn in xudduudihii midnimada ka horreeyey ay soo noqon karaan. Tusaale Yemen ayaa ugu filan oo haatan lagu sheegay in uu yahay ‘dal dawladnimadiisii saaqidday’, haddana xudduudkii labada Yemenood oo iyaga oo dawlado la aqoonsan yahay ahaa midoobey 1990, ma aha mid jira oo la aqoonsan yahay, ama haddaan si kale u dhigo, haddii waddan burburo micnaheedu ma aha in xudduudkiisii guud burburayo oo ka kala jabayo meel awel la iskaga kabay.

Reer Hargeysa waa ay og yihiin in “waa la soo noqonnay” uusan ahayn hadal sharci noqon kara ama wax soo celin kara. Waxa keliya oo uu yahay waa hadal qabiil yiri. Hadal qabiil yirina qabiil kale in ay u hoggaansamaan lagu ma qancin karo haddii ay qab leeyihiin, laguma na qasbi karo haddii aan dani badin.

Reer Hargeysa malaha waa ay talo xumaysteen waagii ay goonni’istaag ku dhawaaqeen, haddana waxa ay sii talo xumaysteen markii aysan goosashada ku koobin dhulka ay degaan ee ay xudduud aan jirin oo qabaa’il madaxbannaani dhaqan u lehi deggan yihiin ay u qaataan in ay tooda ku gawracan yihiin. Markii, malaha, waxa ay is lahaayeen xudduud waa jiri jirey haddaad sheegataan waxa uu soo dhoweyn doonaa ictiraaf. Ha ahaatee ma soo dhoweyn. Waxase hubaal ah haddii sida wax u socdaan aysan ka leexan in yidiiddiiladoodii muddada soo jirtey miiska lagu afrogi doono oo wixiiba ay noqon doonaan xoog doofaar lagu eryey.

Reer Hargeysa waa ay kibirsan yihiin. Waana gar daran yihiin.Waana og yihiin. Talada haatan la gudboonina waa iyaga oo degaankooda ku laabta: xudduuddadooda, dawladsheegadkooda iyo alalagtooda ma ahee.

Halakan, waxaan ku soo gudbinayaa gabay la yiraahdo ‘Gardarro’ oo uu tiriyey maansayahan Dhoodaan, uuna kaga hadlayo gardarradu sida ay ninkeeda dawga uga leexiso dabadeedna aakhirka sida ay guryo ba’ay u dhaxalsiiso. Akhris iyo wax ku qaadasho wacan.

• Gardarooy wax baad geysataa, goor iyo ayaan e
• Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye
• Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e
• Waxaad goyso mooyee la waa, nimad gargaartaaye
• Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye
• Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e
• Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene
• Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay
• Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane
• Gaag baa u soo hadha kollay, ruuxii kaa guda e
• Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye
• Adaa gaanbiyaay hawl yaraan, soo galaangala e
• Adigaa dhibaato u gasboo, reer gadaafo ahe
• Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye
• Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye
• Markaasuu garbada kii lahaa, gama’a diidaaye
• Anaa goofkan lehe iiga guur, godol markuu sheegto
• Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane
• Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane
• Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba
• Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba
• Xeerbeegti guushaa waxay, hadal guddoonshaanba
• Gabogabo dhiggoodii markii, lays af garan waayo
• Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago
• Gurracanihi gowdhaafayey baa, aad u gooddiya e
• Garraarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye
• Inuu golol cadhoodaana waa, ficil geddiisiiye
• Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya
• Geeridiyo guushii markaa, oo is garab yaala
• Labadaa middood inuu galuu, goosan dabadeede
• Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e
• Nin gabaday cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye
• Gurxanka iyo goohaba intuu, gununucoo reemo
• Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye
• Goorada intuu kaga dhacoo, guudka kaga boodo
• Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub u soo tuuro
• Markuu aad u galalaatiyuu, dibir gawaan raacsho
• Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye
• Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulubidaa dheere
• Oo ‘war i gunaanada’ yidhaa, gaal kastuu yahaye!
• Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye
• Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa geddey mudane
• Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye
• Indhahana go’ baad kaga xidhaa, ood ku gunuddaaye
• Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye
• Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e
• Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye
• Waa kaa ad goofaadhidaa, eed gagabisaaye
• Waa kaad gafsiisaa ra’yiga, eed ka gudhisaaye
• Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahe
• Adaa guuldarro u soo sidee, wuunan garanayne
• God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba
• Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene
• Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane
• Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye

WQ: Maxamed Aadan Ciiraale