Maalinta Qaranka Itoobiya -Ginbot- Oo ay ka soo qeeb galeen madaxda sare ee dalka

AKHRISO: Liiska Madaxda dowladda Soomaaliya ee ka qeyb gashay Xuskii Maalinta Qaranka Itoobiya -Ginbot-

Xus loo sameeyay Maalinta Xuska Qaranka Itoobiya ee markii xukunka laga tuuray Mingiste Haile mariam ayaa xalay ka dhacay safaaradda Itoobiya ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaana la yaab lahayd inay ka qeyb galeen madax fara badan oo dowladda ka mida ayna ku jiraan saraakiisha ciidamada.

Dad badan ayaa is weydiiyay sababta madaxda Soomaalida ugu qasban yihiin inay ka qeyb galaan xuskaasi oo la qabto 28-ka May, inkastoo ay jirto caado ka mid noqotay dhaqamada madaxda dowladda oo ah inay xaflad kasta ka soo muuqdaan.

28-ka May sanad walba ayaa Itoobiya looga aqoonsan yahay maalinta qaranka Itoobiya, xiligaasi oo ku beegan 28-kii May 1991-kii, bila tirsiga Itoobiyana uu ahaa 20-kii Ginbot 1983-kii markii jabhaddii Dimoqraadiga Kacaanka dadka Itoobiya ee EPRDF oo markaasi ay si rasmi ah ula wareegeen talada xukunka Itoobiya ee uu hoggaaminayay Meles Zenawi.

Liiska madaxda xafladda Maalinta Qaranka Itoobiya -Ginbot- ka qeyb gashay waxaa ka mida:

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya

Wasiirka Howlaha Guud ee xukuuumadda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidamada Booliska

Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda

In ka badan 25 Xildhibannada labada aqal

Xigasho: Goobjoog