Dowladda Kenya oo dalbanaysa in la Kordhiyo Magdhowga Ciidankeeda lagu Dilo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay Qaramada midoobay magdhow dheeraad ah ciidamada dalgaalka kala soo horjeeda Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan Soomaliya.


Hadalkaan ka soo baxay mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada Kenya ayaa waxay sheegayaan inay sare u qaadi doonaan magdhowga ay ka qaadayaan Qaramada Midoobay laga soo bilaabo bartamaha bisha July ee sanadkan hadii ciidamadeeda qeybta ah howl galka midowga Africa ee AMISOM.

Qiyaastii 4,000 askari oo Kenyan ah ayaa qayb ka ah AMISOM. Beesha caalamku waxay bixisaa $ 1,028 (Sh103,828) askari kasta bil kasta, dowladahooda kala duwan ayaa markaa ka jari doona $ 200 (Sh20,200) kharashaadka maamulka taas oo macnaheedu yahay in askartu guriga ku qaadaan $ 800 (Sh83,628). Askartu waxay maalgelinayaan dawladda.
Dowlada Kenya ayaa Soomaaliya u soo dirtay 4,660 bishii October ee sanadii 2011kii askar katirsan ciidamada difaaca Kenya iyadoona qaar kamid ah ciidankaasi ay dib ugu laabteen dalkaasi maadaama lasheegay in waqtigii ay kujoogeyn soomaaliya uu dhamaaday.

Dhnka kale Hadalakan ka soo baxay Kenya ee ku’aadan kordhinta magdhowga ciidankeeda ku dhinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in markii hore askari kasta ee ku dhinta gudaha Soomaaliya magdhow ahaan loo siin jiray qoyskiisa lacag dhan 6.1 Million oo shilinka Kenya ah balse laga bilaabo bisha july ee sanadkan ay kordhiyeen lacagtaasi magdhowga ah isla markaana qaramada midoobay ay dhiibi doonaan 7.05 Million oo shilinka Kenya ah askari kasta ee ku dhinta guud ahaan Soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah ciidanka AMISOM ee dowlada Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.