Ciidamada Dowladda oo Galabta gacanta ku dhigay rag ku hubeysnaa Bastoolado

Hay’adaha ammaanka Ciidamada Dowladda ayaa galabta degmada Waaberi gaar ahaan halka loo yaqaano Ansalooti ku qabtay laba nin oo ku hubeysnaa Bastoolado.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ragaan xogtooda horey loo hayay, ayna ku sugnaayeen guri ku yaalla degmada Waaberi, galabtana ciidamada ay ku baxeen si ay u qabtaan ragaasi.


Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inta uu hawlgalka socday in ciidamada ay dhaawaceen hal nin, halka mid kalena isaga oo badqaba gacanta lagu dhigay, kadib markii raggan ay isku dayeen inay baxsadaan, rasaasna kala hortageen ciidanka.

Maamulka degmada Waaberi oo dhankooda aan la xiriirnay waxay inoo sheegay in labada nin gacanta lagu dhigay hada ay ku socdaan baaris, ayna yihiin rag ka tirsan ururka Al-Shabaab.

 

Dhanka kale shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii degmada Waaberi ay koox hubeysan ku weerartay gaari ay la socdeen ilaa afar qof, waxayna halkaasi ku dileen nin lagu magacaabi jiray Cumar Dalxa oo ka tirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka, halka qof kale oo gaariga saarnaa ay dhaawaceen.