Agaasimaha Xarunta Warbaahinta Ee Aan Gudneen… (Sheeko Yaab Leh)

Halkan Waa Magaalada Muqdisho Sanadka Waa 2006 Xili magaalada laga dareemayo guluf colaadeed oo u dhaxeyo hogaamiya kooxeedyada Muqdisho iyo koox diimeedka maxaakiimta islaamka magaalada

Waxay u kala qeybsaneed labo dhinac oo qaab qabiil isku diidanaa Aniga Waxaan daganaa qeyb ka mid ah dhinacayada is diin.

Waxaan ka shaqeen jiray idaacad xarunteeda ku taalo dhinaca kale oo heeb ahaan Iga soo hor jeedo laakiin hadafkeyga Wuxuu ahaa in aan noqodo Gabar wariye ah oo Magaca iyo maamuus ku Dhexe leh Bulshada Dhexedeeda.

Laakiin qoyskeyga Guud ahaan Ma jecelo warbaahinta oo waxey ka aaminsanayeen diin xumo Gabar wariye ah mar kasto wey iga hor imaan jireen.

Markii danbe danta waxey igu qasabtay in aan ka soo guuro waalidkey iyo walaalaheey Waxaan la soo dagay Gabar aan isku Shaqo nahay oo wariye ah una Dhaw xarunta idaacada Waxaan si watay hoosheyda wariyanimo Waxaan aad ula macaamilay Dadka aan Shaqo Wadaaga nahay iyo Guud ahaan Dadka deegaanka oo markii Hore aan ka aaminsanaa fakar qaldan.

Maalin maalamaha ka mid ah Waxaan Shaqo u aaday Banaanbax Ee so qaban qaabiyeen Midooga maxaakiinta Waxaa Hore gaarigiisa iigu qaaday Aagsimaha idaacada oo ahaa Shaqsi inta badan xir xiran aan soo Dhexe galin wariyaasha shaqadiisa bis ku eg Wuxuu igu yari maanta Aniga ku qadaa Ee ogaaw Aniga waan farxay oo markii Hore Waxaan raaci jiray baaburta dadweynaha oo loo yaqaano #Caasi.

Waxaan tagnay garoonka Kubadda Cagta oo Banaan baxa ka socoday shaqada waxey noo soo dhamaatay salaada duhurkii, waxaa mar labaad i soo qaaday Aagsimaha idaacada.

Gaariga dhexediisa Waxaan ku wadaagnay sheeko iyo isbarasho waji kale leh madaama aan Hore u kaftami jirin Wuxuu Ii soo jeediyay amaan aad u balaaran in aan ahay qof Shaqo Wangsan la imaaday daacad ah waqtiga shaqadana aan dhooro Aniga ahaan waan ku farxay hadalka agaasimaha.

Maalinba Maalinta ka Danbeyso waan isku soo dhawaaneynay Ugu danbeey Wuxuu Ii shegay in uu i rabo oo hami guur Iga leeyahay laakiin Wuxuu Ii sheegay in uu xaas kale leeyahay Ee ku maqan tahay wadamada yurub.

Waxaan ka codaaday waqti aan ku soo fakaro in uu isiiyo, Haye ayuu igu yiri.

Waxaan la tashi la sameeyay gabadh saaxiibtey ah, waxey igu qalqaalisay in aan ninka guursado ay tahay fursad dahabi ah, laakiin Aniga ahaan ninka hami Wuu iiga jiray laakiin Waxaa walwal igu heysay naagta uu qabo in aan fakaro.

Waxey igu qaadatay waqti mudo 8 Maalin ah kadib Waxaan qaatay go’aan ah in aan ninka iska dhaafo.

Waxaan u qoray warqad aan ku ogeysiinaayo mooqifkeyga iyo in aan Diyaar u eheen guurkiisa.

Kadib warqada markii aan siiyay Wax jawaab ah iiguma uusan soo celin.

Mudo isbuuc ah marka aan ka wayay xarunta idaacada ayaan weydiiyay agaasime ku xigeenka idaacada Wuxuu iishegay in uu Nairobi Caafimaad u aaday.

Waxaan bilaabay in aan ka fakaro asaga, mana aqaano meel aan kala xariiro xitaa markaas hotmail malaheen oo waxaan ahaa qof indho xiran.

Bil kadib waxaa yimid Agaasimaha oo aad u labisan mana u ekeen qof xanuunsan, wuxuu Ii keenay hadiyad Dahab ah, waligey qof hadiyad ima siin, waligeyna qoorteyda Dahab ma saarin, sababtoo ah waxaan ka dhashay qoos sabool ah aan Waxa heysan, waana ku farxay 100%.

Waxaan go’aansaday in aan guursado ninka Wax kasto oo Sharuud ah uu la yimaado aan aqbalo.

La Soco Qeybta 2aa
WQ Sabir Elmi Yusuf