Xildhibaan Fiqi ”Madaxweynuhu xaq uma lahan magacaabista guddoomiyaha maxkamadda sare…”

Xildhibaan Axmed Mocallim Fiqi oo ka hadlaayey magacaabista gudoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ayaa wuxuu sheegay Madaxweynuhu xaq uma lahan magacaabista guddoomiyaha maxkamadda sare, sida sharciga dalku qabo.

Xildhibaanka oo qoraal ku soo bandhigay bartiisa Facebook-ga kuna daabacay qolaalkan hoosta Ku qoran:

Dastuurka ku meelgaarka ee jamahuuriyadda federaalka Soomaaliya ee la ansixiyey August 1, 2012 wuxuu qabaa sidatan:

Qodobka 90 (j) madaxweynuhu wuxuu magacaabaa guddoomiyaha maxkamadda dastuurka, maxkamadda sare iyo garsoorayaasha kale heer federaal, SOO JEEDINTA GUDDIGA ADEEGGA GARSOORKA KA DIB.

Golaha adeegga garsoorka oo ka kooban 9 xubnood waxaa si faahfaahsan uga hadlaya Qodobka 109A ee dastuurka, waxayna ku imaanayaan in wasaaradda cadaaladdu ay soo marsiiso hanaanka dastuurku uu tilmaamay ee ay ku imaanayaan, golaha wasiiradu soo ansixiyaan, ka dibna barlamaanka loo soo gudbiyo si loo ansixiyo.

Haddaba, qodobka 90 (j) waxaa uu sheegayaa in madaxweynuhu magacaabista samayn karo marka guddiga adeegga garsoorku ay soo jeediyaan, haddii uusan dhisnayn guddigaasi meel sheegaysa in madaxweynuhu magacaabi karo lagama soo helayo dastuurka dalku ku dhaqmo.

Haddii madaxweynuhu uu fulinayo ballanqaadkiisii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan cadaalad iyo hufnaan, maxaa keenay in laga boodo dhismaha golaha adeegga garsoorka oo madaxweynuhu qaado waddo aan ahayn tii dastuurku qeexay?

15 May 2017 ayay ahayd markii madaxweynuhu ballanqaad kale uu sameeyey in 90 casho uu ku hagaajinayo nidaamka garsoorka dalka, muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay ayadoon la dhisin golihii adeegga garsoorka, haddana in qaab aan waafaqsanayn dastuurka dalku ku dhaqmo lagu magacaabo guddoomiye maxkamad sare, oo aan la dhowrin nidaamka kala qeybsanaanta awoodda hey’adaha dawladda, waxey sii cakiraysaa rajadii laga qabay in la helo garsoor madaxbanaan & cadaalad hufan.

Madaxweynuhu waxaan xasuusinaynaa in aan marnaba la hurayn in la helo golihii adeegga garsoorka oo lafdhabar u ah hawlaha hagaajinta garsoorka iyo cadaaladda, lagumana gaarayo cadaalad & garsoor, aragtida gaaban ee garsoorka loo arko hey’ad si fudud la isaga maamulan karo iyo dhanka kale in madaxweynuhu uu ogaado in uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee dastuurka sida dastuurku qeexayo.