Kooxo hubaysan oo caawa ku dilay mid ka mid shaqaalaha Golaha shacabka iyo Askari ka tirsan Ciidamada Taraafikada

Maqribnimadii caawa ayaa kooxo hubaysan waxay rasaas ku fureen gaari marayay Waaxda Horseed ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaa rasaastaas ku dhintay Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan qeybta Qasnajiga, sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray Cali C/laahi Cabdi oo la socday.

Waxaa weerarkaas ka badbaaday Haweeney iyo Darwalka gaariga kaxeynayay, sidoo kale waxaa isgoyska Maana-Booliyo ee degmada Shibis lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka.

Dhanka kale maalmihii dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheeganayeen kooxda Al-Shabaab.


Marxuun Cumar Dalxa Maxamuud