Falanqeynta Maanta: Xilka Qaadista Isku Dhaw Dhaw Waa Astaanta Inay Wax Khaldan Yihiin”

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii xilkaas hayay Ibraahim Iidle Suleymaan.

Guddoomiya cusub ee maxkamada sare loo magacaabay wuxuu soo kor dhinayaa muran siyaasadeed oo ah in uu madax badan iyo siyaasiyiin Ganacsato uu Danbi ku soo eedeeyo Wuxuu ku shaqeyn doonaa Ra’yiga madaxtooyada ku amarto.

Waa niisiib xumo in Qofkasta oo xilkan maxkamada sare ee dawlada Faderaalka loo dhiibayaa uu noqdo Qofka soo baxsadey somaliland.

Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa La Taliyaha dhanka Sharciga ee Guddiga doorashooyinka Qaran ee Madaxa banaan ee Soomaaliya.

Sow in wax la iska weydiiyo maaha maxaa ka qaldan markasta madaxda madaxtooyada villa somalia timaada ?

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dawlada Faderaalka ee maanta xilka laga qaadey mudane. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ahaan jiray Garyaqaanka Guud ee Somaliland, intaanuu muqdisho iman.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bishii July ee sanadkii 2011 u magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan Garyaqaanka Guud ee Somaliland.

Waxaa falanqeyn taydan gaaban xasuus u tahay in wali wax badan iska badalin villo somalia.

W/Q: Danjire Mohamed. Caalim