Soddonjir Maxkamadda Sare ma hagi karaa?

Maanta oo dhan waxaan raadinayey xilliga uu dhashay wiilkan uu Formaajo u magacawday Maxkamadda Sare.

Wax kale u raadin mayn, ee foolkiisa marka aan arkay, ayuu ii la ekaaday, qof aan aniga iga weyn, hadduu iga weyn yahayna, wax aan sidaa ahayn noqonaya.

Ugu dambayn, soo helay, oo wuxuu dhashay 1982. Maanta waa 36jir. Wuxuu ku jiraa 20kii labaad ee nolosha, oo wuxuu ka soo baxay 20kii carruurnimada.

Garsoorku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu dhibka badan, ee bulsho is ku hagto, anoon da’ gaar ah ku xirayn, haddana, wiilkan xaggee ku arkay xeerarka uu rabo ama la rabo, in uu dalkan ku hago, dadkan ku dhaqo ama madaxdan uu ku ka la saaro? Meelna!

Inta uu arkay waxay ahaayeen, inta Somaliland looga dhaqmo, ee horta; ka la go’ iyo midnimada muxuu ka aamisan yahay?.

Yeysan isaga kaa darsoomin xil siyaasadeed, xil diblomaasiyadeed iyo xil garsoor, oo kan hore ayaa ugu fudud, kan dambe ayaa ugu adag, kan dhexe ayaana ugu metelaad weyn.

Formaajo wiil uu dhali karo haddii u dhiibtay Maxkamadda Sare, saw ka ma dhigna, saan rabno yeel, oo warcelin ha keenin? Is ka saxiix, mushaarna qaado!

Anigu dhawr iyo toban gu’ ayaan ku jiraa qoraalka, oon xitaa ka digayey marooqsi xukun, musuq maal iyo maarayn xun, haddana, maanta agaasimaha wasaaradda waxbarshada ama agaasime waaxeed haddii qabo lay dhaho ma qabteen, maxaa yeelay, aqoonteed maba lihi, balse, waxaa iga maajiyey, wiilkan is hoday, lana hoday, ee raba, in uu anagana na hodo! Wiilow, maxkamadlayne, ha na murjin.

Ninkaa madax falluuqa qaba, fadlan dalka ha laga qabto, inta uu qabasho leeyahay, si aan loo gaarin heer aan wax looga ama ka la haad.

Midda u dambaysa; magacaacidda wiilkan, Xabashi kaalin intee la eg ayey ku leedahay, waa hubaal, raadkeeda waa ka muuqdaaye? Waddanigii waa kaas!

Wax la arag, waxna laaban!

Bashiir M. Xersi