Safarka Ra’isul Wasaare Kheyre Ee Itoobiya Maxaa Ka Fahansantahay?”

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyagoo aan helin maamuus dibloomaasiyadeed .

Safarka Ra’isul wasaaraha ayaa ah mid deg deg ah, mana jirin qorshe Taliska Itoobiya ugu diyaar garowday ineey la qaadato wafdiu ka socda dowladda Soomaaliya.

Madaxda Waqtiga hogaamisa wadanka itoobiya waxeey aad ugu mashquulsan yihiin Booqashada Madaxweynaha Ruwanda Mudane Paul Kagame oo marti u ah madaxda Iyo Shacaka dalka Itoobiya.

Page-ka wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiya waxaa lagu soo daabacay kaliya in Itoobiya uu soo garay madaxwynaha Ruwanda waxaana labada dal ay ka wada hadlayaan horumarka midowga Africa, kobcinta ganacsiga qaaradda iyo waliba xeriirka labada dal oo dhinacyo badan leh.

Waxaa Falanqeynteyda ku dul istaagayaa shanta caqabadood ee horyaala waqtigan safarka Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku tagay dalka Itoobiya.

1) Dowladda Itoobiya waxay haysataa Go’aan siyaasadeed oo iyada ugaara danteeduna ku jirto Siday ula dhaqanto madaxda soomaalida.
Dhamaantood.

Dawlada faderaalka ee soomaaliya Go’aankeeda dhexdhexdnimo ee khilaafka dawladaha khaliijka waa mid ay dawlada Qatar ku taageesan tahay sidaa ayay dawlada itoobiya u aragtaa. Waqtigan.

Dawlada itoobiya maslaxadeeda soomaaliya ay kaleedahay waa in soomaaliya ahaa taa dawlada yar yar oo faderaal oo wada la shaqeeya dawlada itoobiya

Dawlada faderaalka ee uu hogaamiyo madexweyne Farmaajo arinka way diidan tahay Iyadoo wax awood ah aanlahay. Waxayna madaxda maamul Goboleedyadu aamin san yihiin in Dowladda dhexe ee Soomaaliya ka soo horjeedo. Siyaasada Federaalka.

2)Dowladda Itoobiya waxa ay xeriir dhaw la leedahay Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta muda waqti dheer ah. Dawlada Qatarna waxay u aragtaa in kaga heelisay dagaalkii itoobiya iyo Eritrea ee waqtiga dheer socday

Socdaalka Todobaadkii la soo dhaafey Ra’isul wasaaraha itoobiya Abyi Axmed uu ku tagay wadamada sacuudiga iyo imaaraadka. Waa safar taariikh. oo dawlada itoobiya ku raadinayso maalgashi cusub inay wadamadaa ka hesho.

Safarka Wuxuu marqaati ka tahay sida dawlada itoobiya ula safatahay dawladaha imaaraadka iyo sacuudiga. Siyaasadan marna kama farxin kooxda villa somalia xukunta.

3) Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Axmed Ciise Cawad oo ka gaabsaday wada shaqeynta xukuumadda uu Hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Iyo Dowladda Madaxweyne Farmaajo kadib cadaadis xoog leh oo Villa Soomaaliya ay saartay taana waxaa kuu cadeyneysa. Wasiirku ma uusan raacin safarkiisii Qatar iyo safarkaan Ray’iisal wasaaraha ee waqiga uu ku tagay itoobiya
Labadan safar oo uu ka baaqsadey wasiirka Cawad. Waxay u muuqataa inaan lawada shaqeyn karin xiligan

4)waxaa Magaalada Brussels ee dalka Belguim lagu qaban doonaa bishan soo socota Shirka.

Somalia Partnership Forum
Brussels on 26 – 27. June 2018
oo ay soo qaban qaabisay Midowga Yurub waxaana looga hadli doonaa arimaha Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka, Dhisidda Ciidanka Iyo Nidaamka siyaasadeed ee dalka, Hirgelinta Dib u eegida dastuurka.

Waxaan shirkan laagu talagalay inay ka soowada qeyb galaan madaxda dawlada faderaalka hogaamisa iyo madaxda mamul gobaleed yada hogaamiya. Wuxuu shirkan u muuqdaa mid dowladda ku fashilmi doonto maadama maamul Goboleedyada uu khilaaf kala dhaxeeyo, dagaalka ka socda Tuka raq oo aan Wali xal laga gaarin iyo wadahadla Somaliland Iyo Soomaaliya oo Fashilmay

5) Itoobiya marnaba ma muujin biseyl siyaasadeed oo ay u qabto Madaxda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxaa diiradda la saaray Booqashada Madaxweynaha Ruwnada Paul Kigami, mana lagu daabicin page-ka wasaaradda arimaha dibadda kulanka dhexmaray labada ra’isul wasaare.

Waxaa falanqeynteyda ku soo gabagabeynayaa qoraalka falanqeynta ah waa fikir ani ii gaar ah sidaan ani u arko safarka Ra’isul wasaaraha Xasan Cali Kheyre.

W/Q: Danjire Maxamed. Caalim