Real Madrid oo Markii 3-aad ku Guulaysatay koobka UEFA Champions League

Kooxda Real Madrid ayaa markii saddexaad ku guulaysatay koobka UEFA Champions League,kadib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda Liverpool kulankii finalka ee magaalada Kiev ka dhacay.

Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee intii magaca UEFA Champions league loo bixiyay tartanka kooxaha Yurub saddex xilli ciyaareed oo is xiga ku guulaysata koobkan.

Karim Benzema ayaa Real Madrid goolka furitaanka ugu dhaliyay khalad uu sameeyay goolhayaha Liverpool ee Loris Karius kaas oo ceeb iyo waji gabax xun kala kulmay kulankan,hase yeeshee Ciyaaryahan Sadio Mane ayaa u muuqday inuu ciyaarta ka dhigay mid xiiso badan,kadib markii uu Liverpool u keenay goolkii barbarraha.

Ciyaaryahan Gareth Bale oo kaydka ka soo kacay,isla markaana buuxiyay booskii Isco ayaa gool cajiib ah Real Madrid hogaanka ugu soo celiyay isaga oo mar kale Loris Karius ku ciqaabay khalad kale oo murugo badan ku abuuray Liverpool waxayna Madrid guushan ku gaartay 3-1 .

Mohamed Salah ayaa xilli hore oo qaybtii hore ahayd dhaawac xanuun badan looga saaray.isaga oo oohinta xejisan waayay balse sidoo kale Carvajal ayaa dhawr daqiiqo kadib isna garoonka oohin kaga baxay markii uu isna dhaawac soo gaaray.

Liverpool ayaa isla daqiiqadii kowaad ee ciyaartaba bilawday in ay dardar xoogan ugu dhaqaaqdo dhinaca Real Madrid taas oo Los Blancos ku qasabtay inay la tacaasho cadaadiska kaga imanayay Reds waxayna shaqada ugu muhiimsan ka dhigatay inay difaacasho xoogan samayso.

Dhaawac Mohamed Salah ayaa jaho wareer ku abuuray Liverpool iyada oo ay Real Madrid u ahayd arin wayn oo ka dul qaaday culays ay si xoogan ula tacaalayeen, waxaana Jurgen Klopp qasab ku noqotay inuu kaydka ku laabtay si uu xidiga kooxdiisa ugu muhiimsan xilli horeba isaga oo ilmaynaya u saaro.

Adam Lallana oo xili ciyaareed dhibaato badan soo qaatay isla markaana dhaawac ku maqnaa waqti aad u dheer ayaa kaydka ka soo kacay,laakiin isla markii ciyaarta dib loo bilaabay Real Madrid ayaa la soo baxday dar dar cusub iyada oo si cad ugu muuqatay in saamaynta Salah ay cabsi badan ka qabtay.

Xamaasadii iyo farxadii ciyaarta waxaa saamayn xoogan ku yeeshay oohinta Mohamed Salah iyo Dani Carvajal ee dhaawacyada badalay qorshihii ciyaareed ee labada kooxood, laakiin saamaynta uu Salah u lahaa Liverpool iyo tan uu Carvajal u lahaa Madrid ayaa kala waynayd waxayna Los Blancos noqotay kooxda inta badan awooda sare yeelatay.

Si kastaba ha ahaatee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aan wax goolal ah la kala dhalin iyada oo min hal bartilmaameed oo kaliya ay labada kooxood sameeyeen 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore iyo waliba 3 daqiiqo oo lagu daray waxaana lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Laakiin waxaa lays waydiinayay haddii ay Liverpool dadaalkeeda sii wadi karto maadaama oo ay lumisay xidigii ay guusha ka filayeen ee Mohamed Salah, waaxaana sidoo kale lays waydiinayay qaabka uu Zidane garoonka ugu soo laaban doono maadaama qorshihii Klopp uu si wayn u wiiqmay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo dar dar waali ah ku socota waxayna markiiba culays xoogan saartay Liverpool oo aan la soo laaban dardartii ay qaybtii hore ku jirtay.

Real Madrid ayaa sida ugu sahlan ula timid goolkeeda furitaanka,kadib markii uu Karim Benzema hadiyad cajiib ah ka helay goolhaye Loris Karius oo cadho iyo ciil ku dilay jamaahiirta kooxdiisa Liverpool kaas oo inta uu si sahlan u qabsaday kubbad dheer oo u timid ayuu haddana si lama filaan ah Benzema ka caawiyay inuu goolkan si sahlan u dhaliyo waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Real Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Liverpool ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay,kadib markii uu Sadio Mane dhaliyay goolka barbaraha kadib markii uu Lovern caawin ka helay kubbad uu Firmino koorne ka soo tuuray, wuxuuna xidiga reer Senegal ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

TabareZidane ayaa ciyaarta ka saaray Isco wuxuuna kaydka ka soo kaciyay Gareth Bale si uu xawaare iyo dar dar cusub kooxdiisa ugu soo kordhiyo maadaama ay Liverpool tamar badan isticmaashay qaybtii hore laakiin Bale ayaa markiiba saamayn la yaableh ku yeeshay ciyaarta.

Gareth Bale ayaa gool cajiib ah oo laba lugoodley ah kooxdiisa Real Madrid ugu keenay goolka labaad isaga oo si qurux badan u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Marcelo wuxuuna xidiga reer Wales muujiyay sababta uu muhiim ugu yahay Madrid waqtiga ay u baahan tahay, wuxuuna Bale ciyaarta ka dhigay 2-1 ay markale Madrid hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Real Madrid ayaa ciyaarta hurdada u dirtay kadib markii uu goolhaye Loris Karius mar kale sameeyay khalad ay saxaafadu si wayn uga hadli doonto wuxuuna Bale u ogolaaday inuu dhaliyo goolka saddexaad ee ay Real Madrid sida dhabta ciyaarta ugu dishay ee ay meesha uga saartay halistii Liverpool ay goolka labaad ku raadinaysay.

Haddii uu goolkii Gareth Bale ee hore uu ahaa mid cajiib ah oo in badan lagu xusuusan doono finalkan Champions league wuxuu goolkiisa labaad ahaa mid ceeb iyo fadeexad ku ah goolhaye Loris Karius, laba khalad oo sidan oo kale ah.
Dhanka kale ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Real Madrid guul kaga gaartay Liverpool isla markaana ay markii saddexaad oo isku xiga ugu guulaysatay koobka UEFA Champions League. Los Blancos ayaa hanatay koobkeedii 13 aad ee Champions League iyada oo halkeeda ka sii socota taariikhda uu Zidane ka dhigayo koobka kooxaha Yurub.