Kooxo Hubaysan oo Nabadoon caan ah ku dilay Degmada Dharkaynlay ee Gobolka Banaadir.

Nabadoon Caan ah ayaa kooxo hubaysan waxay Galabta ku dileen Magaaladda Muqdisho , iyadoo dilka Nabadoonka uu ka dhacay waaxda Saddexaad ee xaafadda Dabaqeynka, degmada Dharkeynley, ee gobolka banaadir.

496515016

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nabadoon Sheekh Saleebaan Abiikar Fooldheere, waxayna dadka ku dhaqan Degmada Dharkaynlay sheegeen in dilka Nabadoonka ay ka dambeeyeen labo dhalinyaro ah,kuwaasi oo nabadoonka ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa.

Dhanka kale waxay wararku sheegayaan in Nabadoonka la dilay uu ka mid ahaa ergooyinkii doortay xildhibaannada Baralmaanka Federaalka Soomaaliya.