Jaraa’idka Aftonbladet ee Sweden oo horey uga hadashay waxa leysku hayo

Sheekadii hore iska daaya. Waxaan ka duulaan galeynaa arrintaan oo 2014-kii uu qoray jaraa’idka Aftonbladet. oo ahayd in shirkada Lundin-oil iyo mid Norwejiyaan ah oo la yiraahdo DNO International ay heshiisyo la sexeexdeen Somaliland iyo Puntland. Waxey doonayaan in ay dadka bara kiciyaan sidii Suudaanta Koonfureed.

Lundin-Oil waxaa saami weyn ku leh ra’iisulwasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt. Waxaana horay loo shaaciyay in shirkadaasi ay shidaal ka baareysay Killilka shanaad oo dad badani ay ku guryo beeleen.

Hada waxaa loo socdaa Ceelka weyn ee HOLHOL. Labadaan shirkadood oo dhaqaale xoogan ku bixiyay sidii ay ceelkaasi iyo kuwo kaleba u helilahaayeen ayaa waxaa hada soo baxeysa in dadkii ay dagaalo dartood degaankoodii ka qaxayaan.

Waana sida ay rabaan shirkadahaasi. Hadii aad heyso heshiisyadaas fadlan nala wadaag.

Waxaan ururineynaa xogta dagaalada iyo heshiiskaan wixii xaqiiq ah.
Fadlan faafi! share-garee si dadka xogta haya ay noola soo xiriiraan. Mahadsanid

Yassin Abdullahi​ 26 maj 2018. saacadda 21:56 daqiiqo

Halkan ka akhriso maqaalkii Ku soo baxay Jariirada Aftonbladet

https://www.aftonbladet.se/nyheter/article19134580.ab